Faallo: Dhigaalkaaga Hagaaji Dheeftaadu ha Hagaagtee

0
724

Xuseen Aw Jaamac Jibriil (Xagar)

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ku suntan ilaalinta hantida ummadda ee ka timaada cashuuraha iyo dakhliyada kale ee dalka, ayaa sannadkii dhawaan dhammaaday ee 2019 soo bandhigtay maalgelintii ugu badnayd ee ah mashaariic horumarineed oo ay dawladda Somaliland samayso muddooyinkan.

Buug hadda soo baxay oo lagu soo bandhigay waxqabadkii Xukuumadda Somaliland ee sannadkii 2019, ayaa muujinaya hantidii ummadda ee la dhawray sida bulshada dib loogu celiyey.

Buuggan oo ka kooban afar cutub oo kala ah; Siyaasadda, Amniga, Dhaqaalaha, Maamul-wanaagga iyo Arrimaha Bulshada, cutub kastaana uu xambaarsan yahay xogo cusub oo laga hufay wax buunbuunin ah.

Sannadkaa inna dhaafay Guddiga Qandaraasyada Qaranku waxa uu baahiyey, kadibna loo tartamay oo si xalaal ah loogu kala guulaystay 196 Qandaraas oo ah mashaariic laga hirgelinayo Gobollada iyo Degmooyinka dalka Jamhuuriyadda Somaliland, mashaariicdaasi oo ay ugu mudan yihiin horumarinta Adeegyada Aasaasiga ah ee bulshadu u baahan tahay, sida Biyaha, Caafimaadka, Waxbarashada, Shaqo-abuurka, Wax-soo-saarka Beeraha, Xoolaha iyo Kalluumaysiga, Kaabayaasha Dhaqaalaha sida Waddooyinka iyo Madaarrada IWM.

Haddaynu tusaale ka soo qaadanno dhanka Shaqo-abuurka waxa lagu guuleystay Barmaamijka qaaliga ah ee Shaqo Qaran oo dufcaddiisii koowaad ee 2019 ay dhallinyaro aqoonyahan ah oo tiradoodu tahay 1,349 ka soo soo qallinjabiyeen dugsiga Carbista Ciidanka Qaranka ee Dararweyne, kuwaas oo dhammaantood la shaqaaleeyey iyo weliba 1,814 qof oo kale oo iyagana laga shaqaaleeyey Miisaaniyaddii hay’adaha Xukuumadda ugu jiray sannadkii hore, taasina waxay ka dhigaysaa dhallinyarada Xukuumadda Somaliland shaqo abuurka u samaysay sannadkii tagay 3,163 aqoonyahan.

Dhaqaalaha:

Dhanka dhaqaalaha Bangiga Dhexe ee Qaranku waxa uu markii ugu horreysay maalgelin ku sameeyey mashaariic waaweyn oo ay ka mid yihiin Waddada muhiimka ah ee Burco – Ceerigaabo, dayactirka Biriijyada magaalada Burco, qalab casri ah oo loo soo iibiyey Madbacadda Qaranka, Wasaaradda Isgaadhsiinta oo lagu sameeyey dayactir iyo qalabayn la jaanqaadi kara Tiknoolajiyadda casriga ah ee maanta, Wakaaladda Biyaha ee magaalada Burco oo loo iibiyey gaadiid iyo qalab dayactir, Ciidanka Dab-demiska oo loo sameeyey gaadiid iyo qalab, Mashruuca Shaqo Qaran oo Bangigu ka qaybqaatay hirgelintiisa, mashaariicdaas oo Bangigu ku maalgeliyey hanti dhan 11 Milyan oo dollar, taas oo ka ururtay beekhaamin lagu sameeyey dhaqaalihii dawladdu isticmaali jirtay ee Bangiga Dhexe maamulayey.

Biyaha:

Haddii aynu jalleecno dhanka Biyaha waxa ku cad buugga waxqabadka ee Xukuumadda Somaliland ee 2019 in wax weyn laga qabtay horumarinta Biyaha, tusaale waxa la qoday 32 ceel oo ah kuwa dhaadheer, 66 ceelasha dhaadheer ahna waa la dayactiray, halka 33 ceel oo kuwa dhaadheer ahna la sahamiyey. Waxa kaloo biyo la geliyey 5 magaalo oo waaweyn, halka 50 magaalooyin yaryar iyo tuulooyin isugu jira loo sameeyey goobo biyo nadiif ah bulshadu ka cabto. Sidoo kale, 12 warood ama dhaam ayaa qaarna la qoday, kuwo kalena la dayactiray.

Caafimaadka:

Caafimaadka ayaa Xukuumaddu muhiimad ballaadhan siisay, iyadoo dhammaan cusbitaallada waaweyn ee dalka ku yaal kor loo qaaday tayada adeegyadooda, waxaana goobaha caafimaadka oo dhan sida Cusbitaallada, MCH-yada iyo Rugaha caafimaad loo qaybiyey qalab iyo dawooyin wax ka tari kara caafimaadka bulshada, iyadoo weliba loo shaqaaleeyey 500 qof oo mihnadlayaal Caafimaad ah. Xagga dhismayaasha waxa la dhisay 22 xarumood oo isugu jira Xannaanooyin (MCH), Rugo Caafimaad (HP) iyo dhismayaal lagu kordhiyey cusbitaallada waaweyn ee dalka.

Waxbarashada:

Buugga Waxqabadka Xukuumaddu waxa soo bandhigayaa waxqabadka laga fuliyey dhinaca Waxbarashada sannadkii inna dhaafay oo horumar muuqda laga sameeyey, tusaale ahaan Xukuumaddu waxay si caddaalad ah oo aan qarsoodi lahayn ugu qaybisay gobollada dalka, deeq waxbarasho oo dhan 450 kaalin waxbarasho oo Somaliland ka heshay dalka ay jaarka iyo saaxiibkaba yihiin ee Itoobiya, kuwaas oo si gaar ah dawladdu ugu qoondasay dugsiyada iyo Jaamacadaha dawladdu maamusho si loo dhiirrigeliyo mujtamaca intooda danyarta.

Isla sannadkaa 2019 Xukuumadda Somaliland waxay u qaybisay ardayda dugsiyada hoose/dhexe ee dalka buugaagta Manhajka waxbarasho ee Somaliland oo tiradoodu dhan tahay 1,200,000 (Hal milyan iyo Laba Boqol oo kun) oo Buug oo ay ka faa’iidaysteen Arday tiradoodu dhan tahay 153,077 (Boqol iyo Saddex iyo Konton kun iyo Toddoba iyo Toddobaatan) oo arday. Sidoo kale, waxa taariikhi ah in dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland lagu daray Manjahka Waxbarasho ee dalka si ubadka loogu barbaariyo barashada waddaniyadda iyo shuruucda dalkooda.

Sidoo kale, waxa muddadaa sannadka ah lagu kordhiyey goobaha waxbarashada dhismayaal dhan 208 isugu jira fasallo waxbarasho, xafiisyo, hoolal, dayrar iyo Suuliyo.

Geesta kale, xogta buugga waxqabadka Xukuumaddu sido waxa ku jira tacab badan oo la geliyey dhinacyada wax-soo-saarka ee Beeraha, Xoolaha, Kalluunka iyo Macdanta. Waxa kaloo aan la iloobin karin in wax laga qabtay yaraynta shilalkii gaadiidka ee khasaaraha dhimashada iyo dhawaacaba keeni jiray, kadib markii baabuurta gobollada iskaga gooshta lagu xidhay qalab xadidaya xawaarahooda, meesha ay marayaana lagula soconayo.

Waxqabadka Xukuumadda ee sannadkii tagay intan aannu ka soo qaadanay waa kor-ka-xaadis, balse buugga ayaa faahfaahinaya, waxaana hubaal ah haddii dhawr sanno waxqabadka dawladdu sidaa u sii socdo in dalku gaadhayo horumar dhaqandhaqaale.

Allaa Awood Leh.

 

Leave a Reply