Soomaaliya: Dhacdooyin Muujinaya Dawlad La’aan, Wasiir Xabsi Ka Baxsaday, Maamul 3 Madaxweyne Ka Taliso iyo Wakhtigii Farmaajo oo Gabaabsi ah

0
367

“Ictiraafkii caalamka kuwa Xamar ka taliyaa waxay ka dhigteen in ay Somaliland kula dagaalamaan, Soomaaliya-na qurub-qurub ayay u kala gooyaan.” Madaxweyne Muuse

 

Qore: Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)

Muqdisho (Dawan)- Mid kamida Wadamada ugu musuqmaasuqa, maamulka yo nabad-gelyada xun adduunka, gaar ahaan Afrika wadamada dhaca bariga qaarada oo ku dhawaad soddon sanno hogaamiyeyaashiisu ku guul-daraysteen wax qabashada dhibaatooyinka la degay bulshada rayidka ah, ayaa iminka waajahaya duruufo illaa heer qaawiyey nidaamkiisa dawladnimo oo ay wakhtigan shacbigu rejo ka qabeen in uu soo kabto, kaddib 29 sannadood oo aanay ka jirin kala dambeyn iyo astaamo muujinaya haykal dawladdeed.

Soomaaliya waa dal faro-gelinta caalamku isaga oo ujeeddooyin badan huwan ku sii durkayo xaalad lagu tilmaami karo marxalad aan waxba gacanta ugu jirin dadka ku magacaaban hogaaminta Dawladda ka dhisan oo aan marka horeba ku iman rabitaan shacab iyo doorasho xor iyo xalaal ah, balse Madaxweynaha kursiga ku fadhiyaa uu Lacag laaluusha oo badan ku iibsaday xilka.

Muqdisho waa magaalo-madaxda Soomaaliya, waxaanu ruuxa magaceeda maqla ee aan waligii arragi sawiranayaa in ay tahay hoyga Qaraxyada lagu hoobto, qaxoontiga aan cidina u maqnayn ceelna u qodnayn iyo qudh-gooyada sabab la’aan lagu dilo dadka, waana meel aan waxba la iska-waydiin arrimaha danta guud, daryeelka bulshada iyo maareynta dariiqyada u xidhan amni-darrada ka jirta magaalada ee hagar-daamada ku haysa isu-socodka rayidka, walaaca-na ku beertay siyaasiyiinta u dhashay qaar, sida Yusuf Garaad Cumar oo ka qoray maqaal uu ku muujinayo dhibaatooyinka ka jira xamar.

Dhamaan arrimahani waa kuwo ka turjumaya dawlad la’aan iyo duruufo soo taxnaa soddon sannadood oo ka jira magaalada Muqdisho ee uu ku yaallo Xafiiska looga arrimiyo Dalka Soomaaliya Garoowe ilaa geddo, taasoo ah goob aan gu’ mooyee guuli ku kordhin geedi-socodka taariikhda is-guraysa, iyada oo waliba ku tiirsan taageerooyinka beesha caalamka ee uu kamid yahay howl-galka Ciidanka AMISOM ee ilaaliya Villa Somalia .

Mid kamida dhacdooyinkii u dambeeyey ee ku gooraysan curashada sanadka 2020 ee ka dhacay muqdisho, ayaa ah in Wasiir ka tirsan xukuumadda Maamul-goboleedka Jubbaland uu ka baxsaday xabsi uu billo ugu xidhnaa Dawladda Federaalka ah ee uu hogaamiyo Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan), oo ka mid ah wasiirrada ugu awoodda badan maamul goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya, ayaa xabsi ku yaalla muqdisho ka baxsaday 29-kii bishii Janaury, halkaasoo lagu xidhay dabayaaqadii bishii August 2019.

Masuulkan ayaa la sheegay intii aanu diyaarad ka raacin Muqdisho, in uu maalin iyo ka badan ku sii sugnaa gudaha magaaladaasi, isla markaana cid ka tirsan madaxda sare ee dawladdu ilaalo gaar ah u samaysay, markii uu ka baxayna dibada loo soo saaray warka sheegaya in uu ka baxsaday xabsiga.

Iyada oo shacbiga Soomaaliya ku jahawareersan yahay sida ay ku suurto-gashay, sababta iyo sirta ka dambeysa baxsashada masuulkan, ayaa waxa la yaab kale abuuray dalab ay Booliska Soomaaliya u gudbiyeen hay’adda Booliska adduunka ee Interpol oo ay ka codsanayaan in ay gacan ku siiyaan soo qabashada masuulkaasi ka fakaday xabsiga Muqdisho.

Codsiga Hay’adda amniga Soomaaliya u dirtay Interpol, ayaa waxa lagu xusay in baadi-doonkiisu adeenti u yahay magaalada Nairobi ee caasimada Kenya. hase ahaatee maalin kaddib markii codsigaasi loo diray Interpol, waxa soo baxay warar lagu kalsoon yahay oo sheegay in Cabdirashiid Janan oo ah Ninka la raadinayaa uu ku sugan yahay magaalada Buulo-xaawo ee gudaha Soomaaliya, taasoo sii xoojisay dooddii iyo dareenkii ka taagnaa arrintaasi todobaadkii u dambeeyey.

Si kastaba ha ahaatee, arrintani waxa ay ku soo beegantay, xilli ay cirka uu isku sii shareerayaan khilaafyada Dawladda Muqdisho ka arrimisa iyo maamul-goboleedyada hoos-yimaada, isla markaana gulufka siyaasi ah ragaadiyey gudaha maamul-goboleedyada qaarkood, sida Jubbaland iyo Gal-mudug oo ay labadaba la deggeen muranno ay ka dhex abuurtay Xukuumadda Farmaajo.

Maamul-goboleedka Gal-mudug oo teer iyo bilowgii sanadkii ina dhaafay ee 2019-ka uu ragaadiyey khilaaf u dhexeeya hogaamiyeyaasha siyaasadda, baarlamanka iyo daneeyayaasha kale ee maamulkaas oo si weyn ugu kala qaybsan hogaaminta dawlad-goboleedkan, ayaa dayaqaadii bishii Janaury xaalkiisu noqday talo faro ka haaday, kaddib markii ay fashilmeen dhamaan heshiisyadii xukuumadda khayre yab-yabtay bilihii la soo dhaafay oo intooda badan ku qotomay waaqic la’aan.

bur-burka toobiye ama qorshe loo jeexay Doorashada madaxweyne iyo Baarlaman-goboleed maamulkaasi yeesho, ayaa sababay in laba todobaad gudahood laba madaxweyne iyo laba Baarlamaan lagu kala dhiso magaallooyinka Dhuusa-mareeb iyo Cadaado oo ay kala fadhiyaan Axmed Cabdi Kaariye oo Dhuusa-mareeb loogu doortay Madaxweyne iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ah hogaamiyaha Ehlu-suna wal jameeca oo 29-kii Janaury cadaado lagu doortay, halka uu madaxweynihii hore ee Maamulkaasi Axmed Ducaale Xaaf magaalada Gaalkacayo sal-dhig uga dhigay dawladdiisii, kuna dooddayo in uu isagu yahay madaxweynaha qudha ee sharciga ah.

Arrintan ayaa micnaheedu yahay in saddexdan hogaamiye mid waliba deegaanka uu jooggo ka dhisayo dawlad-goboleed, ugana arriminayo gobolada kale, iyadoo aanu ilaa hadda muuqan jawi waan-waan iyo dhawaanshiyo lagaga dhex abuuri karo, waxaana sida ay qabaan dad badan oo u dhuun-daloola siyaasadda gobolkaasi arrinta kor iyo hoosba dab kaga shidaya Dawladda Muqdisho iyo siyaasaddo dibaddeed oo dano ka leh halkaasi.

Xaajaddan cakiran ee Gal-mudug, ayaa iyaduna ku soo beegmaysa wakhti Dawladda Farmaajo ku riyoonayso in ay dhamaadka sanadkan guud ahaan dalkaasi ka qabato doorasho qof iyo cod ah, muddo-xileedka vila Somalia-na ka hadhsan tahay wax ka yar sagaal bilood oo ku siman dhamaadka sanadkan 2020-ka.

Arrintan oo hilaadinteeda uu horyaallo musawirka dhabta ah ee aynu dhowrka qodob ka xusnay, ayaa siyaasiyiin ay ku jiraan rag madaxweyneyaal ka soo noqday Muqdisho u furteen xisbiyo siyaasaddeed oo tiro badan, kuwo kalena isu diyaarinayaan sidii ay ururro u aasaasi lahaayeen.

Hase yeeshee, waxa arrimahaas cakiskooda joogga oo si weyn uga walaacsan guud ahaan xaalka Soomaaliya hogaamiyeyaasha wadamada deriska ah oo ay ka mid tahay Somaliland, kuwaasoo ka welwelsan cawaaqibka uu waajahayo dalkaasi, xilli rejjo laga qabay in uu ka dhasho maamul cagihiisa ku taagani.

“Shacabka Soomaaliya ee maanta Kismaayo joogga ,muqdisho joogga, Garoowe joogga iyo Dhuusa-mareeb joogga , waxay u baahan yihiin nabad, waxay u baahan yihiin tallo, cida ugu sokaysa ee ay ka sugayaana waa inaga (Somaliland), ku eeggi mayno kuwaa soddonka sannadood leel-leelinaya ee maanta isku diraya kuwa dhuusa-mareeb joogga ee ay todoba bilood ka dhex shaqaynayaan.”sidaasi waxa yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo 2-dii bishan Feberaury ka hadlayey munaasibada xuska sanad-guurada 26-aad ee Ciidanka Qaranka.

Madaxweyne Muuse, ayaa isagoo la hadlaya shacbiga Somaliland sheegay in umadda Soomaaliya dhibane u tahay madaxdooda, isagoo tusaale u soo qaatay fidmada ka taagan Gal-mudug oo inta badan sababteeda dusha laga saarayo Farmaajo iyo Xukuumadda Khayre.

Madaxweyne Muuse oo sida muuqata diir-nax Soomaalinimo darteed kor ugu dhawaaqay dareen ay la qabaan hogaamiyeyaasha wadamada gobolka intooda nasteexu ka dhexeeyo Soomaalida iyo madax kale oo caalamka ah, ayaa tilmaamay in madaxda Soomaaliya ictiraafka caalamka uu ka haysto maamulkoodu kula dagaalamaan Somaliland, dalkoodana u kala googooyaan gobollo. “Ictiraafkii caalamka kuwa Xamar ka taliyaa waxay ka dhigteen in ay Somaliland kula dagaalamaan, Soomaaliya-na qurub-qurub iyo magaalo magaalo u kala gooyaan, waad arkaysaan Kismaayo, Garoowe iyo Dhuuso-mareeb.

kuwa kuwaas kala saari waayey ee iyaga u kala xaglinaya ee u yeedhanaya safaaradaha ee iyaga isku daraya inagana colaada ay inagu hayaan waa tallo xumo ay soomaali oo dhan ku jebinayaan”ayuu raaciyey Madaxweyne Muuse isagoo tusaale u soo qaanayey muranka ka aloosan Galmudug.

Si kastaba ha ahaatee, dadka daraaseeya arrimaha geeska Afrika iyo Soomaalida, ayaa isweydiinaya sida ay dawladda Farmaajo ee ku fashilantay muddadii ay talada haysay xasilinta siyaasadda dalka, wax ka qabashada nabad-gelyada caasimada Muqdisho iyo sii ambo-qaadka wadahadaladii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya, u waajihi doonto hannaanka Doorasho ee aan habkeediiba muuqan.

Waxa kale oo iyadana su’aal adagi ka taagantahay sida ay Xukuumaddaasi ula jaan-qaadayso isbedellada togan ee ay caqabaduhuna ku gedaaman yihiin ee ka socda geeska Afrika, waxaana xaqiiqo ah in aanay ilaa iminka jirin bidhaan ka turjumaysa nidaam togan iyo saan-saan laga cabiri karo mustaqbalka dalkaasi.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here