Maraakiib Dagaal Oo Shiinuhu Lee Yahay Oo Loo Joojiyey Corona Virus Dartii

0
616

Farsamo yaqaanadda Ciidamada Badda ee wadanka Shiinaha ayaa joojiyey maraakiib ay lee yihiin ciidamadaasi, kadib markii uu dalkaasi ka dilaacay Fayraska Korona ,waxaana amarkaas soo saaray taliska sare ee Ciidamada Badda Shiinaha.

Maraakiibtan oo samayntooda gacanta ay ku hayeen khubarrada samaynta hubka  iyo khubarro kale oo ciidamada Badda Shiinaha ka tirsan ayaa la joojiyey samayntooda, iyada oo laga baqay Fayraskaasi  in uu ku dhex fido Khubarradan  iyo shaqaalahan dhexdooda xiliga ay wadaan shaqada Dhismaha maraakiibtan.

Maraakiibtan waxa ugu muhiimsanaa Markab nooca Diyaaradaha qaada ah oo ay Ciidamadu lee yihiin, kaas oo noqon lahaa markabkii saddexaad ee ay ciidamadu Yeeshaan, kaas oo qaadi kara Diyaaraddaha dagaalka.

Sida lagu baahiyey wargeyska DWN oo ah Defence World News  oo uu qormadan kasoo xigtay wargeyska Dawan , waxa gebi ahaanba la amray in shaqaalaha iyo khubarrada kale ee ku sugnayd gobolka Hubei in ay iskaga baxaan gobolkaasi , sidoo kalena aanay soo shaqo tegin inta uu dalkaasi ka jiro Fayraska Korona .

Go’aankan dib loogu dhigay dhammaystirka dhismaha Markabkan ayaa la filayaa in uu keeno dib udhac ku yimaada  xadhig  ka jirka dhismaha Markabkan iyo in lagu wareejiyo ciidamada Badda ee Shiinaha.

Ciidamada Badda ee Shiinaha ayaa waqtigan leh laba markab oo awood u leh in ay qaadaan ama xambaaraan diyaaraddaha ciidamada, kuwaas oo  lagu kala magacaabo Shandong iyo Lianning,  waxaana mid kamid ah maraakiibtan sameeyey warshadaha Ciidamada ee Shiinaha, halka ay ka kalena kasoo iibsadeen wadanka Ukrain.

 

Leave a Reply