Shiinaha Oo Shaaciyey Carruur Ku Dhalatay Fayraska Korona

0
483

Dhakhaatiirta wadanka Shiinaha ayaa cabsi badan ka muujiyey  carruurta wadanka Shiinaha ku dhalanaysa oo qaarkood laga helay xanuunka faraha baas ku haya dalkaasi ee Korona,waxaana toddobaadkan  magaaladda Wuhan ee xanuunkani hore uga dilaacay ku dhashay ilme yar oo xanuunkan qaba.

Ilmahan yar ayay Dhakhaatiirtu sheegeen in la ogaadey in uu xanuunkan qabo, kadib markii la baadhay  30 saacadood ah  ifka joogay, waxaanay taasi keentay in ay kor u kacdo cabsida laga qabo in xanuunkani u gudbi karo Ilme Galeenka Hooyadda, halkaasna uu ku asiibi karo carruurta ku jirta.

Sidoo kale Dhakhaatiirta Wadankaas Shiinaha ayaa sheegay in Fayraskani uu sidoo kale ku gudbi karo Saxarada, taas oo noqotay war ay wadamada Caalamku aad uga naxeen, sida lagu baahiyey wargeyska Daily Mail oo qormadan uu kasoo xigtay wargeyska Dawan.

Ilmahan yar ee Xanuunkan ku dhashay ayaan ilaa hadda la sheegin Jinsiga uu yahay, laakiin waxay dhakhaatiirtu cadeeyeen in uu 2 February ku dhashay  magaaladda Wuhan, iyada oo baadhitaan la sameeyey ka dib la ogaadey in Hooyadda ilmahan dhashay in ay qabtay xanuunka Korona.

Ilmahan yar ayaa loo soo qaaday cisbitaalka Dawladda Shiinuhu ka hirgelisay magaaladda Wuhan ee lagu daweynaayo dadka Xanuunkani soo ritay, ,waxaana si dhow ula socda ilmahan yar  dhakhaatiirta ka hawlgelaysa dhakhtarkaasi.

Tiradda dhimashada ayaa kor usii kacaysa wadankaasi Shiinaha,iyada oo ay xukumada Shiinuhu sheegtay in xalay ay xanuunkaasi u dhinteen 66 qof, waxaanay dhimashadu maraysaa 493 qof, halka dadka uu ku dhacay ee cisbitaaladda yaallaana marayaan 24,600 oo qof.

 

Leave a Reply