Shirkadda Photoshop-ka Ee Adobe Oo Ku Guulaysatay Inay Soo Kordhiso Habab Cusub

0
431

Shirkadda Adobe ayaa soo kordhisay muraayadda inta badan lagu ciyaaro ciyaaraha kala duwan ,sidoo kalena loo adeegsado arrimo badan ee 3 D-ga loo yaqaano.

Intii lagu jiray Bandhigii macradka CAS oo ay soo qaban qaabisay shirkadda Intel ee caalamiga ahi ayaa shirkaddaasi Intel ku shaacisay , kuna soo bandhigtay laba muraayadood oo ay ka caawisay samaynteeda shirkadda Adobe, kuwaas oo lagu kala magacaabo Fanjalis  iyo Sansey AI, waana laba murayaadood oo u shaqaynaaya hab ka duwan hababkii hore ee Ciyaaraha lagu yaqaanay, waxaanay ka dhigayaan sawiradda kuwo aad u qurux badan, iyada oo qofku u samaysanaayo sawirkiisa ama sawiradiisa habab aad u qurux badan oo ah hababka uu hadba jeclaado, isaga oo aan inta badan u baahnayn in uu Computer la tago , kuna hagaajiyo.

Muraayadda Sansay AI ayaa ah mid leh qayb loogu talo galay in lagu hagaajiyo Muqaaladda , gaar ahaana Filimada , waxaana lagu hagaajin karaa Hab Automatic ah, iyada oo laga dhigaayo waqti yar gudihii mid aad u qurux badan,waxaana marwalba loo ilaalinayaa Cabirkiisa iyo tayadiisa labada,iyada oo lagu fadhiisinaayo Nidaamka Muraayadaasi.

Sannad walba waxay ugu talo gashay hadda shirkadda Adobe in ay soo bandhigto Barnaamijyadeeda, iyada oo tijaabo ahaan suuqyadda usoo gelinaysa, waxaanay sannad kasta qaban doontaa shir u gaar ah,waxaanay sannadkan awooda saaraysaa soo bandhigida iyo soo saarida Barnaamijkeeda cusub ee Adobe About Face oo ah Barnaamij ay soo saartay sannadkii 2019-kii,iyada oo ay markii  ugu hroeysay Barnaamijkan si tijaabo ah u isticmaaleen shirkaddaha Twitter iyo New York Times,waxa uu Barnaamijkani lee yahay qayb sawiradda lagaga dhigi karo kuwo soc soconaaya, waana markii ugu horeysay ee Photoshop iyo shirkaddaha kale lamidka ahiba ay sawirka ka dhigaan mid dhaq dhaqaaqaaya, waxaana loo adeegsanayaa qayb Barnaamijka Photoshop kamid ah  oo loogu talo galay qaybtan , sidoo kalena midabka ayaa si fudud loo bedeli karaa intaa lagu jiro hawsha dhaq dhaqaajinta sawirka.

Waqtigan shirkadda Adobe ma isticmaalayso oo keliyaata Computeradda , laakiin waxa ay sidoo kale qayb ku yeelatay taleefanada gacanta iyo waxyaalaha kale ee Electronics-ka ah, iyada oo kusoo kordhisay qaybtaasna Barnaamij lagu magacaabo Adobe Ayroo, kaas oo si fudud qofku ugu hagaajinsan karo sawiraddiisa iyo muqaaladiisaba,iyada oo qofku ka dhiganaayo sawirkiisa mid u samaysan habka 3D-ga , umana baahna qofka sawirka samaysanayaa in uu Luuqado kala duwan isticmaalo, waa mid uu si fudud u fahmi karo samayntiisa, waxaanu qofku u samaysan karaa habab kala duwan ,isaga oo isticmaalaaya Mobile-kiisa ama qalabyadda kale ee Electronics-ka ah, waxaanu si fudud usoo dhigi karaa isaga oo Barnaamijkan dhex jooga goobaha lagu wada xidhiidho ee Bulshadu ku kulanto.

Barnaamijyadda kale ee ay shirkadda Photoshop soo kordhisay waxa kamid ah Barnaamijka Photoshop Camera , waa Barnaamij kale oo Mobile ka lagu shubanaayo, kaas oo awood u siinaaya qofka in uu Sawirka uu galo isla markaaba midabkiisa hagaajinsan karo, waxa isna ku jira Barnaamijka Fr oo ah mid loogu talo galay dadka gacanta wax ku sawira, waxaanay si fudud ugu sawiri karaan sawir kasta oo ay u baahdaan, iyaga oo midabyo qurux badan ka dhex helaaya Barnaamijkan si fududna u midabaynaa sawirkoodii, waxaanay ka dhigayaan sawiraddaasi kuwo soo jiidasho leh.

Shirkadda Adobe ayaa sannadkan la filayaa in ay suuqyadda soo geliso Barnaamijyo badan oo kuwii hore iyo ku cusub oo casriyaba isugu jira, kuwaas oo lagu shuban karo Computers-ka iyo Mobiles-ka gacanta labadaba, waxaanay ka caawin doonaan Barnaamijyadani shirkaddaha waaweyn tayeynta wax soo saarkooda, gaar ahaana dhinacyada sawiradda iyo muqaaladaba, iyada oo hore ugu guulaysatay shirkadda Adobe Jaa’isada Shirkadda ugu wanaagsan ee soo saarta Sawiradda dhaq dhaqaaqaaya iyo Barnaamijyadda aqoonsada wejiga qofka.

Waxa ay dalabyadda shirkadda Adobe kor u kaceen bishii Kowaad ee sannadkan 11%, kadib markii ay ku dhawaaqday shirkadaasi inay soo saartay Barnaamijyadeedan cusub, iyada oo sidoo kalena bishii November ee ina dhaaftay qabatay dalabaadkii ugu badnaa ee lagu soo dalbanaayo Barnaamijyadeeda cusub, waxaanay noqotay shirkad si deg deg ah waqtigan suuqyadda u qabsatay, iyada oo aanay jirin shirkaddo kale oo kula tartamayaa.

 

Leave a Reply