Habka Nolosha Ayuu Isku Diidanay!

0
416

Jiirka aduunka wuu ilbaxay, waxaana uu casriyey habkii uu noolaa, waxa uu dhex galay xarumaha ganacsi ee ugu weyn caalamka, waxaana ay la wareegeen caalamka Internetka, waxay dul yaalaan miisaska ugu qaalisan xafiisyada xarumaha waaweyn.

Waxaana ay ku maamulaan tilmaamaha farta oo keliya (Mouse), laakiin nasib daro Jiirka gurigayga wuxu weli ku mashquulsan yahay googoynta bacaha, xadista daqiiqda iyo cunista bariiska.

Wakhti badan ayaan ku bixiyay sidii aan heshiis u wada gaadhi lahayn, si aan usoo xidhno nolosha iska horimaadka iyo loolanka ah ee naga dhaxaysa. Iyo inuu iska dhaafo dhufaysyada iyo godadka uu ka qodayo gidaarka gurigayga.  Soo jeedintaasi aniga ayaa u jeediyay laakiin wuu iga diiday Jiirku, xataa heshiis iska dhaafee waxaaba uu diiday inuu ihor fadhiisto.

Guud ahaan noloshiisa wuxu u nidaamiyay mid ka soo horjeeda tayda, marka aan soo jeedo ama aan guriga joogo ayuu isagu seexdaa xagal qarsoon ama wuxu isku qariyaa xafashka buux dhaafiyay guriga, sidaa awgeedna habka nolosha ayuu isku diidanay.

Weerarada wuxu bilaabaa marka aan guriga ka tago ama aan seexdo, waxa kasta oo uu doono wuu sameeyaa.  Markii arinkaygu meel kasta ka dhacay waxa na dhex galay Jiirka Internetka (Horumarka sameeyay), Jiirka guriga waa uu ogolaaday in aanu is horfadhiisano laakiin wuxu ku xidhay shardi adag oo ah  “ in aan anigu marka hore aqoonsado inuu isagu yahay hantiilaha guriga, aniguna aan ahay qof guriga marti ku ah oo mar kasta dhuumasho ku soo gala”.      (Qisaska qoraaga Salma Salim)

Leave a Reply