Somaliland :- Qisada Waashmaankii Jaamacaddii uu Illaaladda ka ahaa ka Noqday Masuulka

0
436

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan):- Jaamac Axmed Xuseen,  waxaa bar bilowgii shaqadiisa uu ka soo bilaabay sanadkii 2004-tii ilaalinta Jaamacadda Hargeysa oo uu ka noqday Waardiye ama qofba sidu u yaqaano wash man.

Waxaanu Jaamac isla wakhtiga bilaabay barashada luuqada Ingiriisiga oo uu galay Private-kii Nuradiin, iyo sidoo kale 17-may oo uu ka bartay xisaabta.

Odhaah Soomaaliyeed ayaa tidhaahda ‘Dedaala Xaaji Cabaas wuu Gaadhaa  Dhaafina Karra’ ee dadaal dheer kadib Jaamac hada waa madaxa iibka iyo adeega Jaamacadda Hargeysa.

Jaamac ayaa siweyn uga mahad sheegtay maamulka, masuuliyiinta, ardayda iyo shaqaalaha kala duwan ee ka hawlgala jaamacadda Hargeysa.

 

Jaamac Axmed Xuseen ugu horeyn waxaa uu inala wadaagi doona halka uu ka soo bilaabay geedigiisa nolosha “Hadda waxaan ka shaqeeya Jaamacadda Hargeysa, gaar ahaan xafiiska iibka iyo adeega ee Jaamacadda, Procument and lojistics ofice, waxbarashaddeydii u horreysay waxaan ka bilaabay Isguulka  Nuradiin waxaanan bilaabay Ingirisi iyo Xisaab, Ingirisida waxaan ka bilaabay Nuradiin Xisaabtana 17 May Isguul, sanadkii 2005-tii, islamarkaana waxaan dhammeeyay 2007-dii, islamarkaana 2007-dii waxaan galey Secondry School Nuradiina saddex sano ayaan ku jiray markii aan dhammeeyeyna waxaan galey Jaamacadda Hargeysa, afar sanadood oo Digriiya maamulka iyo maareynta qaybta xisaabaadka, isla sanadkaasi aan ka qalin jabiyeyna waxaan dib u bilaabay Mester heerka labaad oo maamul wanaaga iyo hoggaaminta ah 2017-kii bishii March ayaan  ka qalinjabiyey”

Jaamac waxaa uu bulshadda qaybaheeda kala duwan ugu baaqay in ay tagtadda iska daayaan oo timaadada iyo mustaqbalkooda ka fikiraan weli wakhtibay heystaane waxaanu yidhi “Jaamacada waxaan ka bilaabay shaqada waashmaannimada 6/2004-tii, jaamacadu markaa deyr may laheyn oo xoolaha iyo tuugta ayaa iska soo galayay sidaasi ayaanu markaa u ilaalin jirnay, marka bulshada waxaan leeyahay haku mashquulina wixii idinka tagey, oo tagtada iska daaya balse timaadada iyo mustaqbalkooda ha ka fikiraan oo weli wakhtibay heystaan ay noloshooda wax kaga bedelaan”

Maamulaha dugsiyadda Nuradiin Mahad Ibraahim Maxamed ayaa Jaamac ku sifeeyey qisadda Jaamac tusaale nool waxaanu yidhi  “Qalinyahow taariikhda qarada leh ku qor oo og-soonow, qudhan inuu ka soo baxo inta qaaday sharafte qiyamkiyo akhlaaqda leh, waxaa ay noo tahay Beer-wale intu wax beertay beertiisi badhaadhay, oo ay hawrtay oo baxday oo midha bixisay farxadda uu ku jiro oo kale ayaanu ku faraxsanahay.

 

Leave a Reply