Mid Kamid Ah Jaamacaddaha Maraykanka oo Bilawday Daraasad Ay Ka Samaynayso Magaalooyinka Ugu Nadiifsan Adduunka

0
454

Jaamacadda Pennsylvania ee dalka Maraykanka ayaa bilawday daraasad ay ka samaynayso  magaalooyinka ugu nadiifsan  caalamka uguna amaanka Badan , waxaanay intooda badan noqdeen magaalooyinkaasi  kuwo ay yar yihiin Wasakhowga Hawadooda iyo  kooxaha amaan darada ka sameeyaaba.

Waxa ay khubarradan  wada daraasadani eegayeen Guryaha magaalooyinkaasi oo ay baadhayeen saqafyadda  Jiin gadahooda iyo dhismeyaasha laftooda oo ay eegayeen inta ay dhisnaayeen iyo intay sii dhisnaan doonaan.

Khubarradan cilmibaadhista wada  oo isticmaalaysay  qalabyo kala duwan  ayaa sidoo kale adeegsanaayey qalabyo ay ku cabirayeen dabaylaha ka dhaca magaalooyinkaasi , dhirta iyo dhismeyaashaba,  waxa kale oo ay eegayeen dhibcaha biyaha ee hawada ku jira , kuwaas oo ay eegayeen wasakhowga Hawada ee biyahaas ku jira ama dabayshaas la socda.

Waxa kale oo ay isticmaalayaan warbixino ay ka urursadeen tijaabooyin hore loo sameeyey , kuwaas oo lagu  diyaariyey Computers, waxaanay ugu dambayn tilmaameen in wasakhowga Hawada ee magaalooyinka ay mareen uu yahay mid aad u hooseeya , sidoo kalena aanay jirin wax wasakh ah oo ku jirta Hawada magaalooyinkaas, waxaana u badan magaalooyinkan kuwa aan warshadaha lahayn.

Khubarrada daraasadan samaysay oo warbixin  hor dhac ah ku  qoray wargeyska Washington Post oo uu qormadan kasoo xigtay wargeyska Dawan ayaa sheegay  in ay dhowaan soo saari doonaan natiijo dhamaystiran oo sax ah , kadib marka ay ururiyaan warbixin dhamaystiran , waxaana warbixintan laga ururin doonaa magaalooyin kala duwan oo wadamada caalamka ku kala yaalla, waxaanay soo jeediyeen in ay wanaagsan tahay in guryaha dadku degan yahay laga fogeeyo meelaha wadooyinka ah .

Waxa kale oo ay khubarradani sheegeen in ay dhowaan soo saari doonaan magacyada magaalooyinkan ,  iyaga oo kula taliyey wadamada horumaray inay yareeyaan  Qiiqa gelaaya Hawada oo ah ka ka dhigaaya hawada wasakh, sidoo kalena keenaaya xanuunada khatarta ah, sida Kansarka  iyo geerida deg dega ah.

Leave a Reply