Khubarro Shiinaha U Dhalatay Oo Ikhtiraacday Robot Dawaynaaya , Shaybaadhna Ka Qaadaaya Dadka Uu Ku Dhacay Korona Fayras

0
494

Khubarro u dhalatay wadanka Shiinaha ayaa bilawday  in ay sameeyaan Robot ay ugu talo galeen in uu ka qayb qaato  daweynta dadka uu ku dhacay xanuunka Korona Fayras, isaga oo ka qayb qaadanaaya baadhitaanadda lagu samaynaayo dadkaasi, gaar ahaana Candhuufta afka  ee laga qaadaayo dadka looga shakiyo xanuunkan.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Xinhua News Agency oo uu qormadan kasoo xigtay wargeyska Dawan  ayaa lagu sheegay in  ay jiraan khilaaf ka dhexeeya Khubarrada Sayniska ee Xarunta Shiinaha ee Sayniska iyo qaar kamid ah dawladda Wakaaladdeheeda, kaas oo ku salaysan habka loo aamini karo qalabkani waxyaalaha uu qaado ama baadhitaanadda uu sameeyo.

Waxa lagu sheegay warbixinta ay khubarradan  samaynaysa Robot-ku soo saareen in  Robot-kani ka samaysnaan doono gacan geliyaata, taas oo awood u  leh in ay qaado Candhuufta qofka , sidoo klaena  ay ka masaxi karto wixii dareere ah ee kale, waxaana uu Robot-kani badbaado u noqon doonaa Dhakhaatiirta iyo Kalkaalisooyinka hawlahan ka shaqaynaaya.

Dalka Shiinaha waxa ilaa hadda dhakhtarada u yaalla xanuunkan  23,000 oo qof , sidoo kalena 490 oo qof ayaa iyaguna u dhintay , waxa kale oo jira dhawr wadan  oo ay kamid yihin  Ruushka  oo xuduud la leh wadanka Shiinaha ayaa joojiyey in  dadkoodu ay tagaan wadankaasi Shiinaha, sidoo kalena diyaaradaha ciidamada ee wadamada Belarus,Armenia iyo Ruushka ayaa iyaguna dadkoodii ka dad gureeyey wadankaasi Shiinaha, waxaanay wadankaas ka qaadeen 144 qof.

Leave a Reply