Saacadda Ay Soo Saarto Shirkadda Apple Oo Noqotay Saacadii Ugu Iibsiga Badnayd Sannadkii 2019-kii

0
462

Saacadda ay soo saarto shirkadda Apple ayaa noqotay saacaddii ugu iibsiga badnayd sannadkii ina dhaafay ee 2019-kii, iyada oo laga iibsaday saacaddo gaadhaaya 22 Million isla sanandkaasi gudihiisii .

Saacaddahan oo ahaa nooc cusbaa oo lagu magcaabo LTE version ayaa loo kala iibsadday qaybo kamid ah laba qaybood, kuwaas oo horaantii sannadkaasi la iibsaday 9 Million oo kamid ah saacaddahaasi, halka 2.7 Million kamd ahna la iibsaday dabayaaqadii sannadkaasi .

Iibsiga saacaddahan ayaa afar jibaar ka badnaa saacaddihii laga iibsaday shirkaddaasi sannadkii 2019-kii,  waxaanay sannadkan kor u kaceen 38% kiiba ,sannadkaasi 2019 dhamaadkiisii, iyada oo ay markii dambe gaadheen kuwo intii hore ka badan 74%  saacaddihii la iibiyey bilawgii hore ee sannadkaasi.

Khubarrada dhanka Iibka ee shirkaddan oo warbaahinta qaarkeed la hadlaayey ayaa sheegay in ay rajaynayaan in sannadkan 2020 marka uu dhammaado ay gaadhaan iibsiga saacadan ee suuqyadda caalamku mid aad u sareeya, madaama oo ay waqtigan kusoo kordhinayaan qaybo cusub oo dadka soo jiidan doona, wax weyna u tari doona.

Wargeyska Daily Mail oo warbixin xiiso badan ka diyaariyey qiimahan sare ee Saacaddan lagu iibsaday sannadkii hore oo uu qormadan kasoo xigtay Wargeyska Dawan ayaa sheegay in saacaddani ay fursad u heshay suuqyadda wax kala iibsiga ee Adduunka, si fududna u gaadhey meelo badan oo caalamka ah.

Leave a Reply