Khubarrada Hubka Ee Wadanka Belarus Oo Wax Ka Bedel Ku Sameeyey Qori Uu Hore Ruushku u Sameeyey

0
961

Ciidamada Belarus ayaa wax ka bedel balaadhan ku sameeyey qoriga Sniper Rifle oo lagu sameeyey wadanka Ruushka, kaas oo la sameeyey xiligii uu wadankaasi Ruushka ka talinaayey  Midawgii Soofiyatii, waxaana hore loogu magacaabi jiray qorigan Dragonov , waxaanay waqtigan khubarradan reer Belarus u bixiyeen SCR-TigerBY.

Qorigan ayay khubarradan reer Belarus u sameeyeen Dhuun dheer oo rasaastu ka dhacayso,sidoo kalena waxa ay ku xidheen qalab  meesha ka saaraaya sanqadha xabada ama rasaasta, waxa kale oo ay ku xidheen Diirad meel aad u fog wax lagaga arki karo, taas oo loo adeegsan karo Diirad ahaan si caadi ah iyo diiradda Toogashada labadaba.

Waxa iyaduna cusub Khasnada qorigan ku jirta, waxaanay qaadi karta rasaas intii hore ka badan, taas oo tiro ahaan noqon karta ama gaadhaysa 8,000 oo Rasaas ah, waxa kale oo uu qorigani wax ka dili karaa masaafo dhan 300 ilaa 800 oo Meter, waxa sidoo kale lagu xidhay qalab ka ilaalinaaya in uu kululaado , una fududaynaaya qofka sita in uu si fudud u qaato, madaama oo rasaasta ku jirtaa ay cuslaynayso.

Qorigan ayaan wax sanqadh ah samaynayn xiliga ay xabadu ka dhacayso, taas oo adkaynaysa in la ogaado meelaha laga soo riday , sida lagu sheegay warbixin lagu qoray wakaaladda Ruushka ee TASS oo uu wargeyska Dawan kasoo xigtay qormadan.

Leave a Reply