Warbaahinta, Suxufiyiinta iyo Ururrada Saxaafaddu Ha Joojiyaan Beenta ay Faafinayaan

0
537

Warbaahintu waa ta xidhiidhisa bulshada koonkan ku nool, kana haqab-tirta xogo, dhacdooyinka ka kala dhaca dhammaan dunida daafaheeda, war, wacyigelin iyo wacaalba gaadhsiisa bulshada, isla markaana kobcisa aqoonta iyo garaadka bulshada, sidaa awgeed waxa lagama maarmaan ah in qofka ka hawlgalaya xirfadda uu ahaado mid dhan walba ka bisil oo ka dhisan xag Waxbarasho oo illaa heer Jaamacadeed ah ama wax u dhigma iyo  inuu ahaado qof ka hufan dhaqannada xun-xun oo dhan sida beenta, isku-dirka, eexda, cunsuriyadda [Qabyaaladda] iyo inuu si daaacad iyo dhexdhexaadnio ah ugu adeego dadkiisa.  

Qofka ka shaqeeya mihnaddan waa inuu ahaado mid ogsoon oo si fiican u yaqaan, in hawshani tahay ammaano uu u hayo bulshada oo aanu ka yeeli Karin siduu doono,  sidaa darteedna looga baahan yahay inuu u guto waajibaadka saaran sida ugu habboon ee ku farayso xirfaddani oo  waajibka kowaad ee laga doonayaa uu yahay Ilaalinta Anshaxa Saxaafadda.

Suxufiyiinta iyo Warbaahinta dunida oo dhami waxay u adeegaan oo difaacaan danaha bulshadooda iyo Waddankooda, umana suurtagelayso inuu ka horyimaado yoolka dadkiisa iyo Dalkiisa, waayo isagaa ka mid ah oo la dan ah, dalalka dunida oo dhammina waxay isku jiidjiidanayaa ee laysku xulufeysanayaa ee la isku dilayaa waa dano, sidaa awgeed waa ku waajib suxufi iyo mulkiile warbaahineedba waxa waajib ku ah inuu dhinaciisa ka dhawro oo ka difaaco wixii hadimooyin iyo hantaaqooyin kaleba dadkiisa iyo dalkiisa.

Dalkeena wax ka dhisan oo ka hanaqaaday Warbaahin madaxbannaan oo qofkaan ka masuugeyn ama xin iyo xasad xambaarsaneynba ka marakacayo, in Jamhuuriyadda Somaliland Warbaahinteedu  tahay ta ugu dimoqraadisan ee ugu xorriyatal qawlka fiican dalalka ku yaal Qaaradda Afrika iyo meelo kale oo ka mid ah dunida oo xataa waxyaabaha ay baahiyaan ama ay qoraan aanay u suuroobeyn inay baahiyaan Warbaahinta reer galbeedka iyo ta Mareykankuba.

Iyadoo ay sidaa tahay, ayaa haddana qaar innaga mid ahi, ay maalin kasta ka gudbiyaan warbixino dhinac qudha ka rarran Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland oo ku tilmaamaan mid ku tumatay xorriyatal qawlka, waxana ugu dembeeyey dalka Boqortooyada Ingiriiska oo ku eedeysay Xukuumaddeena, inay cabudhiso Warbaahinta iyo saxaafadda ka hawlgala dalka, sida xaqiiqada ah ee aynu ognahayna Warbaahinta iyo Suxufiyiinta ku sugan Somaliland iyagaa ah kuwa dulmiga iyo xadgudubka joogtada ku haya shacbiga, dalka iyo hadba Xukuumadda ka jirta.

Urur la yidhaa CPJ oo ah xarun sheegata inay tahay mid u taagan  ilaalinta  Suxufiyiinta, ayaa dhawaan warbixin kasoo saareen Weriye xukun ku dhacay oo u dhashay dalka Somaliland ku sheegay in Weriyahaa la xukumay mid aan dembi lahayn, sidaa awgeedna waxay warbixintooda raaciyeen dalab ah in Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland si degdegga ugu soo celiso xorriyaddiisii. Warbixinta CPJ waxay tixraacaysay xog ay ka heleen Ururrada Saxaafadda Somaliland ee ka jira Somaliland, kuwaas oo xogaha ay gudbiyeen ku sheegay inaan wax eedeyn ah oo la horkeenay Maxkamadda aanay jirin, waxa ay daba socdaan Ururka CPJ waa warbixintaas khaldan ee ay gudbiyeen xubno mas’uuliyiin ah oo ka tirsan Ururrada Saxaafadda ee Somaliland.

Horta marka ugu horreysa waxa uu Ururka CPJ ku xadgudbay oo meel kaga dhacay dhexdhexaadnimadii, waayo dhinacyada kale ee Xukuumadda iyo Garsoorka oo ah kuwa kala madaxbannaan midkoodna waxba kamay weydiin arrinta Weriyaha la xukumay, ta labaadna waxa ay iska indha-tireen sharciga dalka iyo nidaamka ay ku dhisan yihiin nidaamyada dawladaha  dimoqraadiga ah, waayo xukun Maxkamadeed oo dhacay ayey u haystaan Xukuumadda, kagana dalbanayaan inay sii deyso weriyahaas, mana odhan karno aqoon darraa ka haysa kala madaxbannaanida Saddexda tiir  ee kala ah ka shaci dejinta, fulinta iyo ka garsoorka.

Arrinta kale ee fool xumada ah waxay tahay, in Ururrada Saxaafadda ee JSL ay maalin kasta oo la xidho ama la xukumo weriye ay markaaba toos ugu diraan hay’adaha caalamiga ee Ururrada Saxaafadda iyo kuwa kaleba warbixino khaladan, kuwaas oo ay mar kasta eeddeeda dusha u saaraan Xukuumadda mar kasta, iyagoo eeganaya keliya danaha kharash ee kooban ee ay ku qabaan Hay’adahaas oo sidaan filayo ay ka badan tahay ta uu ugu deeqo Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxan usoo jeedinayaa Madaxda Ururrada Saxaafadda ee Somaliland eek u hawlan faafinta xogaha khaldan ee ay sida degdegga ah u gaadhsiiyaan Ururrada kale ee Saxaafadda iyo kuwa xuquuqal Insaanka, isla markaana joojiyaan shaabadaha madow ee ay la daba socdaan dalkooda iyo Qarankooda, kuna dhaqmaan wixii run ah oo xataa hadday tirsanayaan in Weriyaha lagu gefay ay maraan dariiqyada kale ee u bannaan oo ay ka mid tahay, inay u qaadaan abiil Maxkamadda kale eek a sarreysa ta xukunka ridday, balse ay iska dhaafaan iska dhiska hay’adaha kale ee shisheeye.

 

 

Leave a Reply