Wasaaradda Caafimaadka oo Shacabka ugu Baaqday Ka Hortagga Fayruska Corona

0
497

 

“bulshada Somaliland waa inay ilaaliyaan fayo-dhawrka iyo nadaafadda goobahooda” Wasaaradda Caafimaadka

Hargeysa-(Dawan)- Shirkii khamiistii ee golaha Wasiirada Somaliland oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxa lagaga hadlay arrimo dhowr ah, iyada oo si gaar ah diirada loogu saaray ka hortagga fayruska halista badan ee ka dilaacay dalka Shiinaha.

Golaha ayaa warbixin ka dhageystay wasiirka Caafimaadka, taasi oo la xidhiidha habkii looga gaashaaman lahaa ka hortagga caabuqa Coronavirus, iyadoo madaarka magaalada Hargeysa lagu diyaariyay kooxo caafimaad oo baadha dadka ka soo dagaya.

Sidoo kale, wasiirka wasaarada horumarinta caafimaadka, ayaa golaha warbixin ka siiyey xaaladda guud ee caafimaadka dalka, isagoo dul istaagay diyaar garowga wasaaradda horumarinta caafimaadku ka gashay sidii looga gaashaaman lahaa ka hortagga caabuqa Coronavirus, iyadoo madaarrada, dekedaha iyo xuduudaha dalka Jamhuuriyada Somaliland heegan buuxa la geliyay laguna diyaariyay kooxo caafimaad oo tababaran.

Wasaaradda horumarinta caafimaadku waxay bulshada Somaliland ku baraarujisay inay ilaaliyaan fayo-dhawrka iyo nadaafadda goobahooda sida goobaha cuntada , Cabitaanka iyo goobaha ay bulshadu iskugu timaado

Wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland ayaa cudurkan la kaashanaysa hay’adda caafimaadka Adduunka ee WHO iyo daneeyayaasha caafimaadka Somaliland.

Leave a Reply