Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Arimaha Gudaha oo Kulan la Qaatay Madaxdhaqameedka Gobolka Awdal

0
1199

Khadar.M.Dhako.

Hargaysa(Dawan):-Wasiir  ku  Xigeenka  Wasaarada  Arimaha  Gudaha   Somaliland     Naasir  Caydiid  Maxamed ayaa  kulan la qaaday madaxdhaqameedka gobolka Awdal,kulankaas oo ay ka wada hadleen adkaynta nabad gelyada iyo sidii xukuumadda iyo madaxdhaqameedku u wda shaqayn lahaayeen isla markaana meel uga soo wada jeedilahaayeen arrimaha nabad gelyada.

Waxaa kale oo uu intaa ku dray in la bilaabayo dhismaha wadada Boorama iyo Dalka Jabuuti loona baahan yahay in nabad gelyada madaxdhaqameedku qaybtooda ka qaataan si horumarka gobolka Awdal ka socda uu u noqdo mid waara oo sii socda.

“Waddadii   Jabuuti  iyo   Boorama  waa la  soo  bilaabayaa  nabadgelyo  darrada  ka  dhacda  Boorama   hadii  maalin  walba  ammaan  darro  laga  sheego  Horumarkii  oo  dhan  wuu  xanibmayaa,waxaana  ku  baxaya  wadadaas  boqolaal  bilyan  oo  doolar    waa  in  aad  Nabedgalyada  Gobolka  Awdal    ka  qayb  qaadataan  oo  cidda  xun  ee  wax  samaynaysa  waa  in  aad  gacanta  ku  soo  qabataan  oo  aydaan odhan    reer  Hebel  ayay  ahaayeen,reer  Boorama  oo  dhan  way  saamaynaysaa  oo  Somaliland  oo  dhan  ayay  samaynaysaa  marka  qof  wax  sameeyo  waxaa      looga  baahanyahay  Salaadiinta  in  ay  wax ka  qabtaan  oo  ay soo qabtaan  qofkaas,”.

Wasiir ku xigeenka oo culimada gobolka Awdal u soo jeediyay kelmad nastexo ah ayaa kula dardaarmay waxay ummadda u sheegayaan n uu noqdo wax cad oo ay hayaan laakiin aanay waa la yidhi iyo waa la lahaa in aanay cidna ku cambaarayn,waxaanu yidhi. “Maalmahan  waxa  ka  jiray  Boorama  buuq  yar  oo  hoosta  ka  guuxaya Jimcihii  ina  dhaafay  waxa  Masaajidada ka baxayay  waad arkayseen  Diintu  waa  nasteexo  oo  ma,ogola  Qofka  in  la  Fadeexadeeyo  hadduu  wax  sameeyo  hoos  ayaa  wax  loogu  sheegaa,Culimadu  waxaay lahayd   Ninkii  Guddoomiyaha  Gobolka  ahaa  Diinta  ayuu  caayay  wax cadna  may  hayn  dhibta  sii  wayni  waxa  weeye    waxa  laygu  yidhi  nin  kaasi  diinta  ayuu  caayay  ayay  yidhaadeen  culimadu,wax  caqliga  galana  maaha  waxaas  ayaa laygu  yidhi    qofku  marku  wax  cad  hayo waxaay  ahayd  in  uu  yidhahdo    intaas  oo qof  ayaan  dhaariyay  arrintaasi  Nin  kaas  way  ku  cadday  oo  dambigaas  ayuu  galay.”

Leave a Reply