Muxsin Imaaraadka U Dhashay Oo Raashin Ku Soo Caawiyay Cusbitaalka Guud Ee Burco

0
1761

Qore Khadar Cabdi Muuse

Burco (Dawan): Agaasimaha cusbitaalka guud ee magaaladda Burco ayaa shalay raashin caawimo ah kala wareegay Jamaal Saleebaan Xaaji Yaasiin, oo wakiil ka ahaa nin soo bixiyay raashinkaasi.

Raashinka caawiamdda ah oo isugu jira Bariis, Daqiiq iyo Saliid waxaa soo bixiyay qof muxsin ah oo u dhashay kuna nool dalka Imaaraadka Carabta.

Waxaanay u soo wakiisheen qoyska ilma Saleebaan Xaaji Yaasiin. Raashinkaasi oo loogu tallo galay dadka bukaanka ah ee ku jira cusbitaalka magaaladda Burco, ayaa ka kooban 100 kiish oo daqiiq ah iyo 100 kiish oo bariis ah iyo 100 litir oo Saliid.

Agaasimaha waxaa wareejinta raashinkaasi ku wehelinayay badhasaab ku-xigeenka gobolka Togdheer iyo taliyaha qayb booliska ee gobolka Togdheer.

Agaasimaha cusbitaalka guud ee Burco Dr. Cabdi Suudi Ibraahim, ayaa uga mahad celiyay dadkii raashinkaasi soo bixiyay. Raashinkaasi oo uu sheegay in cusbitaalku uu baahi weyn u qabay.

Waxaanu yidhi, “Deeqdan raashinka ah oo ka timid walaalkeen oo Imaaraati ah, oo muxsin ah. Waxay ka kooban tahay boqol Kiisha oo Daqiiq ah, boqol Kiisha oo Bariis ah iyo Saliid.

Runtii aad iyo aad baan ugu ducaynaynaa walaalkaa muxsinka ah ee raashinkani na soo gaadhsiiyay, oo cusbitaalkuna baahi weyn u qabay.

Cusbitaalkan waxaa lagu daaweeyaa dadka xanuunsanaya, sida dadka Dhimirka qaba iyo dadka xanuunadda kale qaba. Baahi weyn-na waan u qabnay raashinkani”.

Dr. Cabdi Suudi Ibraahim, ayaa si weyn ugu mahad naqay cidii raashinkan soo bixisay iyo dadka ay u soo wakiisheenba.

“Aad iyo aadna waan ugu mahad naqaynaa. Waxaanan leenahay ILLAAHAY SWT halkii aad ka soo saartay ha kuugu bedelo wax khayr qaba. Waxa kaloon u mahad naqayaa ila Saleebaan Xaaji Yaasiin, oo iyaguna deeqdani na soo gaadhsiiyay”.

Geesta kale Jamaal Saleebaan Xaaji Yaasiin, oo ka wakiil ahaa muxsinka soo bixiyay raashinkani ayaa ka warbixiyay noocyadda uu raashinkani isugu jiro iyo cida soo bixisay.

Waxaanu yidhi, “Waxaan halkan maanta (shalay) ku wareejinaynaa raashin dhan 100 Jawaan oo Bariis ah, 100 Kiish oo Daqiiq ah iyo Konton Saliid ah.

Waxaana soo bixiyay dad Imaaraatiyiin muxsiniin ah. Waxaanay u baxsanayaan ILLAAHAY SWT dartii”ayuu yidhi Jamaal Saleebaan.

Dhinaca kale badhasaab ku-xigeenka gobolka Togdheer Maxamed C/laahi Ibraahim (Nafaqo), iyo taliyaha qayb booliska gobolka Togdheer gaashaanle dhexe Cali Maxamed Faarax, oo iyagna halkaa ka hadlay ayaa uga mahad celiyay dadka muxsiniinta ah ee raashinkan soo bixiyay.

Sidoo kale-na waxay ku amaaneen agaasimaha cusbitaalka guud ee Burco sida wanaagsan ee uu wax uga qabtay dhakhtarka mudadda uu joogay.

 

Leave a Reply