Xarunta Dab-demiska Laascaanood Oo La Dhagax Dhigay iyo Shaqaalaha Loo Qaatay Oo La Shaaciyay

0
468

By: Khadar Cabdi Muuse

Laascaanood (Dawan): Badhasaabka gobolka Sool oo ay wehelinayeen maayarka Laascaanood iyo agaasimaha fulinta ciidanka Dab-demiska Somaliland ayaa shalay dhagax dhigay xarunta Dab-demiska ee ay yeelanaysa Laascaanood.

Qandaraaska dhismaha xarunta Dab-demiska Laascaanood oo hore loo baahiyay waxaa ku guulaysatay oo hirgelinaysa shirkadda 24 Construction. Laascaanood ayaa noqonaysa magaaladii saddexaad oo xarun Dab-demis laga dhiso.

Xukuumadda Somaliland ayaa si toosa u bixisay kharashka lagu dhisayo xarunta dab-demiska Laascaanood.

Guddoomiyaha gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, oo ka hadlay goobtii dhagax dhiga xarunta Dab-demiska Laascaanood ayaa sheegay in sanadkan 2020-ka oo keliya gobolka Sool laga hirgeliyay ilaa shan mashruuc oo horumarineed.

Iyadoo xaruntan Dab-demiska Laascaanood ee shalay la dhagax dhigay ay ka mid tahay mashaariicda ugu waaweyn ee xukuumadda Somaliland ay gobolka Sool ka hirgelinayso sanadkan 2020-ka

Waxaanu yidhi, “Waa mashruucii shanaad oo inta lagu jiray sanadkan 2020-ka aan isugu nimadno gobolkan Sool. Taasina waxay markhaati ka tahay horumarka gobolkani hore ugu tallaabsaday. Ilaa 200 oo qof oo shaqaale ah ayaa sanadkan laga qaatay gobolka Sool”.

Waxaanu intaas raaciyay, “152 qof oo shaqaale ah waxaa loo qaatay barnaamijka shaqo qaran, ilaa konton qof oo bilayska loo qaatay, iyo 25 qof ee loo qaatay shaqaalaha Dab-demiska Laascaanood. Dekadii qalalnayd ayaa laga dhagax dhigay Adhi-cadeeye.

Mashruucii JPLG ayaa la daah-furay, maatana (shalay) xaruntii Dab-demiska ayaa la dhagax dhigay.  Waa wax aan hore loo haysan runtii.

Gobolka Sool wuxuu ka mid yahay goboladda ugu horeeya Somaliland, haddii ay noqoto  dhinacyadda nabadgeliyadd iyo horumarkaba”ayuu yidhi C/qani Jiidhe.

Agaasimaha fulinta ciidanka Dab-demiska Somaliland C/qaadir Cumar Xaashi, ayaa sheegay in dhagax dhiga ay bar-bar socoto hawsha bilawga dhismaha xarunta Dab-demiska Laascaanood.

Taasoo shirkaddii ku guulaysatay ay haysato lacagtii ay ku dhisi lahayd, isla markaana si dhakhso ah loo bilaabayo dhismaha.

“Dhagax dhigan waxaa bar-bar socda, bilawga dhismaha, oo kharashka ku baxaya ay dawladda jamhuuriyadda Somaliland ay bixisay, isla markaana qandaraaskiisa hore loo qaatay, iyadoo shirkadii qandaraaskaasi qaadatayna ay goobtan inala joogto”ayuu yidhi C/qaadir Cumar Xaashi.

Guddoomiyaha shirkadaasi 24 construction oo goobtii dhagax dhiga ka hadlay ayaa balan qaaday in ay si casri ah u dhisi doonaan xarunta Dab-demiska ee Sool.

Waxaanu yidhi, “Anagu ka shirkad ahaan waxaanu balan qaadaynaa, muddo kooban in aanu ku dhisno dhisme aad u qurux badan, oo uu noqon doono mid dadka iyo gobolka Sool ay manaafacaadsadaan”.

 

Dhinaca kale maamulka gobolka Sool, ka degmadda Laascaanood iyo masuuliyiin ka socday ciidanka Dab-demiska Somalilad ayaa isla shalay kulan la yeeshay 25-ka dhalinyaro ee loo qaatay shaqaalaha Dab-demiska Laascaanood.

Waxaana kulankaasi joogay badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, maayarka Laascaanood C/casiis Xuseen taarwale, iyo agaasimaha fulinta ciidanka Dab-demiska Somaliland.

Iyadoo 150 dhalinyaro ah oo Sabtidii doraad imtixaan laga qaaday kadib ay ku guulaysteen 25-kii qof ee la doonayay in loo qaato shaqaalaha Dab-demiska Laascaanood.

Waxaanay dhalinyaradani noqonayaan dufcadii ugu horeysay ee ka mid noqda Ciidamada Dab-damiska Somaliland waaxda gobolka Sool, gaar ahaana degmada Laascaanood.

Badhasaabka gobolka Sool gobolka Sool C/qani Jiidhe, oo hadal ka jeediyay munaasibadaasi ayaa u hanbalyeeyay dhalinyaradda guulaysatay. Waxaanu tilmaamay in looga baahan yahay dhalinyaradaasi in ay si daacad ah u gutaan shaqadoodda.

Maadaama oo ay u taallo shaqo culus, isla markaana looga baahan yahay in ay u diyaar garoobaan sidii ay u bad-baadin lahaayeen dad, duunyo, hanti iyo nooleyaal kaleba.

Maayarka Laascaanood oo kulankaasi ka hadlay ayaa kula dar-daarmay dhalinyaradda guulaysatay in ay hagar la’aan ugu shaqeeyaan magaaladoodda iyo gobolkoodaba.

Halka uu dhalinyaradii aan nasiibka u helin ee tartanka ka qayb qaatay uu ku booriyay in aanay niyad jabin, isla markaana ay ku dedaalaan sidii ay ugu guulaysan lahaayeen shaqooyin kale.

Agaasimaha fulinta ciidanka Dab-demiska Somaliland ayaa isna shaqaalahan cusub ku baraarujiyay in ay la kulmi doonaan shaqo adag oo naf-hurnimo ah, isla markaana ay bad-baadin doonaan dad, hanti iyo waxyaabo kale.

Waxaanu sheegay in wixii xirfad, iyo aqoon ah ee la xidhiidha shaqadoodda lagu bari doono tababaro loo qaban doono oo la xidhiidha shaqadoodda.

 

Leave a Reply