Taliyaha Booliska Gobolka Awdal oo Farriin u Adag u Diray Cid Kasta oo Nabad Gelyada lid ku ah

0
715

Qore Khadar M. Dhako

Hargeysa (Dawan):-Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Awdal Gaashaanle Cabdiraxmaan Nuur Colhaye, ayaa farriin adag u diray cid kasta oo nabad gelyada gobolka lid ku ah waxaani intaa ku daray in ay tallaabo adag ka qaadi doonaan ciddii isku dayda in ay khal khal geliso ammaanka gobolka Awdal.

Waxaanu u soo jeediyay bulshada gobolku in ay la shaqeeyaan ciidanka booliska

Waxaa kale oo uu intaa ku daray in ay garayanaan koox dhallinyaro ah oo saldhiga dhexe ee Boorama weerar ku soo qaaday.

Taliyaha oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi. “Weerarkii habeenkii dhawayd dhacay waxa uu ahaa mid ay fuliyeen dad nabad diid ah oo ka soo horjeeda Nabada iyo Horumarka ka socda Gobolka Awdal,markaanu dabagal ku samaynay waxaanay ahayeen Koox dhallinyaro ah oo ka koobnaa toddoba Qof iyadoo aanay jirin wax u jeedo ah iyo taargad ah oo ay lahaayeen.waxaanay xabad ka soo rideen meel afar boqol oo Mitir u jirta saldhiga dhexe afartii habeenimo dabagalkii waanu ku haynaa haybtoodana waanu helnay iyo waxa ay yihiin iyo goobta hadda ay ku suganyihiin,talaabana waanu qaadi doonaa waxaa ayaan darro ah ummaddi waxay ku nooshahay runta beentuna ma socoto waxaanan arkayay Nin Culimo ah oo leh xaalad abuurka waxa waday Ciidanka waa ayaan darro wax aanay hubsan oo aanad xogogaal u ahayn in aad sheegto,waxaanan u arkaynaa in ay yihiin dadka ka dambeeya arrinkan saldhiga loo soo wareeray,”.

Gaashaanle Cabdiraxmaan Nuur Colhaye oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“waxaan leeyahay nimanka leh Ciidanka ayaa ka dambeeyay is xabadaynta waxaanu ka doonaynaa Cadaynteedii oo cad kamana cafinayno annagu ma jeclin in aanu cid ku xadgudubno oo dhibaatayno xah iyo habeenna waxaanu usoo jeednaa in aanu umadda ka qabano wixii dhib ku wada tallaabana waanu ka qaadi doonaa ciddii kicinta ka wada Magaalada ama Sheekh ha ahaado ama Shariif ha ahaado cidna u dabo fadhiisan mayno amniga sugida amniga Magaalada waxaanan ugu baaqayaa Bulshada deggan gobolka Awdal in ay ilaashadaan nabadgalyadooda,”.

 

Leave a Reply