Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha oo ka Hadlay Mihiimada ay leeday Barashadda Dastuurku

0
899

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka iyo Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi ayaa sheegay in ay arrin dastuuriya ay tahay in qofkasta oo muwaadin Somaliland ahi uu aqoon u yeesho dastuurkiisa, si loogu dhaqmo.

Wasiirku waxaa uu sidan ka sheegay munaasibadda tababar loogu soo xidhayay dhalinyaro in muddo ah lagu tababarayey barashada dastuurka iyo sidii ay aqoon dheeriya ugu yeelan lahaayeen, oo lagu soo gaba-gabeeyay xarunta akhriska iyo qoraalka ee Al-nuur ee magaalada Hargeysa.

Wasiirka wasaaradda dastuurka iyo xidhiidhka golayaasha Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi ayaa ugu horreyn ka hadlay sida ay muhiim u tahay barashada Dastuurku waxaanu yidhi “In aynu aqoon u yeelano, oo aynu isugu nimaadno, dhalinyaradeenuna hormood ka noqoto, waayeelkeena iyo hablaheena, iyada oo dhab ahaantii ay arrin dastuuriya tahay qofkasta oo reer Somaliland ahi aqoon u yeesho dastuurkiisa si uu ugu dhaqmo, sidii wixii khaldana uu uga leexdo dariiqa saxda ahna u marro.”

Wasiirka Dastuurka Maxamed Xaaji Aadan isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu yidhi “Waxaa kale oo aan aad ugu mahad celinaya dhalinyaradda hawshan isku duba riday ee aadka uga shaqeysay, meelkasta oo aynu joognana masuuliyad ayaa inaga saaran shacabkeena, sidaasi darteed aad iyo aad ayaan ugu mahad celinayaa, waanay ka muuqataa, waxaa aynu u baanahay xaafadaheena, degmooyinkeena, goboladeena, tuulooyinkeena in ay dhammaantoodba joogaan dad mudakara, oo marna xilkii ay ILLAAHEY u hayeen guta iyo xilkii ay ummadaasi u dhiibatay sigaara labadaba, waayo waxaa aynu isku wadnaa labadaasi qaybood, qaynuunkeena koowaad waa qaynuunkeena samaawiga ah ee ILLAAHEY samada inooga keenay ee kitaabkeena Quraanka ah iyo axaadiista marka arrinteenani dhinac waxaa ay ka tahay in xumaanta leyska reebo wanaagana leys faro, dhinacna waxaa ay ka tahay dastuurkeena oo isaguna ku qotoma qodobkiisa shanaad shareecaddeena Islaamka”

 

Leave a Reply