“Waan Jeclahay in Saxaafaddu Xor Noqoto Laakiin Maaha Inaad Qof Sharaftiisa Ku Xadgudubto” Wasiirka Waxbarashada

0
562

Qore Saciid Cagjar

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Waxbarasha iyo Sayniska Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Diiriye oo uu wehelinayey agaasimaha guud ee wasaaraddaasi, Axmed Abokor Maxamed ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegayey in wasiirku uu shaqada ka caydhiyey saddex boqol oo qof, kuwaasi oo lagu helay arrimo musuqmaasuq.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Mudane Axmed Maxamed Diiriye ayaa beeniyey in musuqmaasuq ka jiro gudaha wasaaradda, islamarkaana uu shaqadoodii galaaftay saddex boqol oo qof.

Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Aniga oo ah wasiirka wasaaradda waxbarashada ayaa caddaynaaya in aanay jir cid loo tuhmay musuqmaasuq, intaas oo shaqaale ah baa la qabtayna waa been, waxna kama jiraan, cidii doonaysa xogta wasaaradda in ay ogaadaan madaxda ha waydiyaan.”

Wasiirku waxa uu Saxaafaddii warka been abuurka ah qortay ugu baaqay in ay ilaaliyaan sharafta qofka waxaanu yidhi “Waan jeclahay in saxaafaddu ay xor noqoto, laakiin xornimadu maaha in aad qof sharaftiisa ku xadgudubto.”

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Axmed Abokor Maxamed ayaa isaguna takiidiyey hadalka wasiirka waxaanu xussay in wasaaradda aanu joogin qof caagle ah, waxana uu yidhi “Waxa aan beeninayaa warka saxaafadda lagu qoray ee ahaa wasiirkii ayaa baadhitaan ku sameeyey wasaaradda oo waxa la helay saddex boqol oo caagle, waana la eryey , warkaasi waa been, wasaaraddana ma jiro qof caagle ah oo mushahar ka qaata”

Leave a Reply