“Xisbiyadda Mucaaradku Xukuumaddii Timaadaba Qoorta Ayay Kaga Maranyihiin” Xildhibaan Raygal

0
609

Qore Khadar M. Dhako

Hargeysa(Dawan):-Xildhibaan Ibraahim Axmed Raygal oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland,ayaa sheegay in xisbiyada mucaaridku in ay caado ka dhigteen xukuumaddii timaadaba in ay qoorta iskaga duubaan oo aanay lahayn siyaasad iyo qorsheyaal cad oo ay ku hawl galaan.

Waxaanu u soo jeediyay xisbiyada mucaaridka in aanay umadda ku jahwareerin golaha wakiilada.

Ibraahim Axmed Raygal oo Shalay u waramayay Wargayska Dawan iyo Telefishanka Star tv,ayaa intaa ku daray in dalka aanay ka jirin wax muran Siyaasadeed ah ,

Waxaanu yidhi. “Wax muran Siyaasadeed ahi dalka kama jiro laakiin waxa jira arimo yaryar oo farsamo ahaan aan layskula meel dhigin illaa hadda Axsaabta Qaranka ee farta ku soo godaya Baarlamaanka ee leh waxay fadhiyaan Shan iyo toban sano,markaa Baarlamaanku Doorashada ma,qabto ee Komishanka Doorashooyinka ayaa qabta wax aanu ku shaqo leenahay maaha qabashada Doorashooyinku. mana aha Shacbiga in lagu jaheeyo Baarlamaanka iyo Goleyaasha Deegaanka ee la doortay meel haysla dhigaan.”.

Xildhibaan Ibraahim Raygal oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Xisbiyadu Xukuummadii timaadaba qoorta ayay kaga duuban yihiin Xisbiyadda Mucaaradku ha, joojiyaan ayaan leeyahay,Shacbiga iyo dalka yaanay Jahwareerin umana baahnin Doorasho na galisa Xamaasad iyo kala kaxayn iyo Qabyaalad,Xisbiyadda waxa aan leeyahay waa in aad isku ilaalisaan ummadda Somaliland meel kasta oo ay joogto Xukuumaddana ka daysaan qoorta aad kaga marantihiin,hadii kale waanu jawaabi donaa sababta aad hadba gidaar isugu xoqaysaan ayaanu garanaynaa anagana haddaanu nahay Golaha Wakiilada muddo xileedkii waa naga dhamaaday waanan u sheegay dadkii isoo doortay in aanan mardambe isa soo sharaxan,”.

 

Leave a Reply