Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada oo Kormeer Indha-indheyna ku Tagey Qaar ka Mida Dugsiyadda Caasimadda

0
553

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) oo ay wehelinayeen afhayeenka wasaaradda waxbarashada mudane Cabdilaahi Ibraahim X. Xasan, labada gudoomiye ee waxbarashada gobolka Maroodijeex, agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Md.Axmed Abokor Maxamed iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Md.Axmed Xasan Nuur ayaa xog-ogaal u noqosho ah ku soo maray dugsiga agoomaha Hargaysa iyo dugsiga hoose dhexe ee Sheekh Madar (Xuseen Giire), dugsigaas oo uu wasiirka wasaaradda waxbarashadu ka bilaabay waxbarashadiisii hoose.

Kormeerkan ayaa daaranaa xog-ogaal u noqoshada xaalada waxbarasho ee dugsiyaddaasi ay ubaxa soo koraya wax ka bartaan.

Dugsiga Xuseen Giire waxaa uu dugsiyadda kale dheer yahay waxaa uu yahay mid marti galiyey, dugsiga kale ee dadka araga naafadda ka ah.

Image may contain: 2 people, people sitting, people eating, table and childImage may contain: 3 people, wedding

Image may contain: 4 peopleImage may contain: one or more people, closeup and outdoorImage may contain: 5 people, people standing and outdoor

Leave a Reply