Eddie Chapman: Shuftadii Jeelka!

0
759

Basaaska Eddie Chapman wuxu ku dhashay dalka Ingiriiska sanadkii 1914. Aabihii wuxu aha farsamo yaqaan ka tirsan ciidamada Badda ee Marinska Ingiriiska, waxaana uu ahaa wiilka ugu weyn sadexda caruurta ah ee ay walaalaha yihiin.

Yaraantiisii wuxu caan ku ahaa sida uu waalidkii ugu dhega adkaa isagoo dugsiga ka jeclaa inuu tago shaneemada iyo goobaha Filimada. Dugsiga dhexdiisa wuxu ka samayn jiray rebeshado is daba joog ah si looga eryo, isla markaana soo ciyaaro ama filimka u daawasho tago, mararka qaarkoodna waxa uu tegi jiray xeebta isagoo dabaasha aad u jeclaa.

Markii ay da’diisu gaadhay 17 sano ayuu ku biiray guutada labaad ee ilaalada ciidanka lugta ee Ingiriiska ee Coldstrean waxaana uu ka mid noqday ilaalada Towerka London. Chapman aad ayuu u xiiseeyay shaqadan iyo dirayskii uu xidhay markii hore laakiin haddana muddo kooban ka dib waxay noqotay shaqo uu aad nacay oo uu ka caajisay waayo wuxu ahaa nin wakhtigiisa badankiisa ku qaadan jiray rebeshad iyo xorriyad uu sameeyo wuxu doono oo aan xad lahay, waxaana cidhiidhi ku noqday amaradii anshaxa ahaa ee ciidanka dhexdiisa lagu siin jiray.

Markii uu sagaal bilood oo keliya shaqaynayay ayuu sarakiisha ciidanka weydiistay fasax dhan lix maalmood in la siiyo waana loo ogolaaday. Markii uu fasaxa qaatayba waxa uu tegay deegaanka Soho oo ku yaalla  badhtamaha London oo ah goob dalxiiska iyo tamashlaha caan ku ah, halkaasi ayuu iska joogay oo gabadh ay is barteen ku guursaday. Laba bilood ka dib ayay ciidanku soo qabteen waxaana lagu xidhay jeel militarigu leeyahay oo uu ku xidhnaa muddo 84 maalmood, madaama uu shaqadiisa ciidan ka baxsaday.

Jeelkan ayaa laga sii daayay markii xanuun aan ciidanka u wanaagsanayn lagu arkay wakhtigaasi wuxu dib ugu soo noqday deegaanka Soho isagoo gabadhiisa wakhti la qaatay.   Wuxu ahaa shakhsi aan dhisnayn oo dakhligiisa ugu badan ee uu ku xisaabtama yahay lacagta uu  Khamaarka ka helo, waxaana uu caan ku ahaa ciyaaraha khamaarka, taasi aya ku keentay inuu sameeyo musuq, tuugo , waxaana ay taasi sababtay in sharciga la horgeeyo oo maxkamad la saaro, waxaana lagu helay denbiyadaasi.

Jeelka Channel Islands ayaa lagu dhigay denbiyadaasi kala duwan awgood, waxaan uu la xidhnaa kooxaha halista ee baandada (Gang). Si fiican ayay isugu barteen casaabadaa halista ah ilaa uu u noqday  shuftada Jeelka hogaamiyahooda waxaana loo yaqaanay “ Gang Jail” ama shuftada jeelka. La soco..

 

Leave a Reply