Magaaladda Berbera oo laga Hirgaliyey Baraamijka Waraabi Dadkaaga + Sawiro

0
503

Berbera (Dawan) Waxaa maanta si rasmiya loo bilaabay oo looga hirgaliyey magaaladda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, barnaamijka  ‘WARAABI DADKAAGA’.

Waxaa barnaamijkani noociisu ku cusub yahay Somaliland isu xilsaartay oo bilowday dawladda hoose ee magaalada Berbera, iyadda dhammaan goobaha danta guud ku rakibtay  Talaagakado Qaboojiyayaal ah oo dadku ay ka cabi doonaan biyo qabaw si bilaash ah.

Goobaha lagu rakibayo waxa ka mid ah dugsiyada waxbarashada, madarasadaha, masaajidada, cisbitaalada, saldhigyada sariibadaha, xabsiga wayn, xarumaha dawlada ee adeegyada bixiya sida Xafiiska wasaaradda gaadiidka, Xafiiska wasaaradda Caafimaadka iyo dhammaan shanta xafiiska ee Gudiyada Xaafadaha magaalada.

Sido kale waxaa ay caddeeyeen masuuliyiinta dawladda hoose ee degmadda Berberi in jidadka waa weyn ee halbowlaha u ah isu socodka gaadiidka ee gudaha magaalada Berbera ay ka fuliyaan barnaamijkani si ay bulshadu uga faa’ideysato.

Barnaamijkani ayaa wax weyn ka tari doona oonkii bulshadda, iyo haraadkii.

Image may contain: outdoorNo photo description available.Image may contain: one or more people and people standingImage may contain: one or more people, people standing and outdoorImage may contain: one or more people, people standing and outdoorImage may contain: outdoorNo photo description available.Image may contain: one or more people and people standing

 

Leave a Reply