Safarka Addis Ababa iyo Cadhada Farmaajo

0
682

Waxaa la yidhi, laba arrday oo Iskuul dhigta ayaa aad u habsaamay dabadeed, Macallinkooddu ayaa weydiiyay halka ay ku daaheen, mid ka mid ahi waxaa uu ka waramay Shillin ka lumay oo uu raadiyay ama doon-doonayay. Kii labaad ayaa la yidhi adna maxaa ku habsaamiyay, waxaa uu yidhi waxaan ku habsaamay Shillinka ayaan kaga taagnaa..

Hadda waxaan uga socdaa.. Markii uu soo baxay todobaadkii hore marti-qaad rasmi ah oo Madaxweynaha Somaliland ku taggayo magaallada Addis Ababa oo uu ka dhacayay shirkii Midowga Afrika waxaa maradda tuuray maamulka Somalia ee uu Farmaajo Hoggaamiyo.

Waxaana ay cadhodoodu aad u muuqatay markii ay Indha saareen ee uu Dorraad Weftiga Madaxweynaha Somaliland ka degay Addis Ababa. Waxaana cadhada keenay oo aanay fillayn. – A. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo weftigiisa waxaa soo dhoweeyay Wasiir ka tirsan dawladda Itoobiya, iyadoo roog cas loo fidiyay.

  1. Madaxweyne Muuse Biixi waxaa la socday Illaalo u qaas ah oo labisan, waana nidaam caalami ah oo madaxda caalamka lagu yaqaano.
  2. Qeybta VIP ee garoonka diyaaradaha Bole waxaa ka muuqday calanka Somaliland oo kursiga uu fadhiyay ka muuqday ama la sudhay.
  3. Madaxweynaha waxaa lagu qaaday baabuurka hab-maamuuska sarre, waliba gaadhiga uu saarnaa waxaa la sudhay oo ka babanayay calanka Somaliland, qeybta hore ee gaadhig, gaar ahaan.

E- Kolonyada Madaxweyanaha wadada ayaa loo xidhay illaa hotelkii loogu tala galay loo galbiyay.

Dhammaan qodobadan ayaa muujinaya maqaamka caadiga ee madaxda Caalamka la siiyo marka ay dal kale booqanayaan. Waana tabtii loo qaabilay uun Madaxweyne Farmaajo oo halkaas sidoo kale joogay. Laakiin, waa uu ka biyo-diiday waxaana uu cabasho aan gabasho lahayn kula dhex dhacay madaxdii shirka oo uu hadba mid isku dayay inuu ku qanciyo in Shilinkii uu ku taagnaa laga riixay. Intaas madaxda Somaliland hawsheedda ayaa ay waddatay oo waxaa ay ku hawlanaayeen shirar kala duwan oo ay la qaadanayeen Hoggaamiyayaal Afrikaan ah oo ay ka wada hadlayeen arrimaha diblomaasiyadda iyo ganacsiga.

Somaliland umma aragto dhib jiritaanka dalka dunnidu ku dedaalayso in dawlad loo sameeyo ee Somalia. Waxaana Xukuumadda Somaliland ay aaminsan tahay ka shaqaynaysay inay adduunka fahamsiiso qadiyadeedda. Ururka Midowga Afrikana uu hormood ka noqdo oo qiro Xaqiiqadda ka jirta.

Haatana taasi meel fiican ayay maraysaa oo xogta inta la og yahay inta aan la ogaan karrin ee aan weli u bislaan in la baahiyo ayaa ka baddan duruufo jira awgood. Balse, waxaa qallinku qirayaa in Midowga Afrika uu saaran yahay cadaadis xoogan oo ka imanaya Xaqiiqooyinka dawladdnimada Jamhuuriyadda Somaliland ee keenaya in la siiyo aqoonsi rasmi ah. Mana aha mid hadda bilaabmay, waxaa jirtay Sannadkii 2006, hawlgal xaqiiqo raadis ah oo ay Midowga Afrika u soo direen Somaliland, kuwaas oo tilmaamay in ay u qallanto in loo arko si ka duwan hannaankii hore iyo in Somaliand ugu yaraan loo ogollaado kursi goob-joognimo in ay ku yeellato fadhiyadda Golaha. Maadaama ay ka hirgashay dawlad dimoqraadi ah, casri ah. Islamarkaana aan doonayn inay dal kale ka godo, balse uu burburay heshiiskii hore ay Somalia ula gashay iyagoo laba dawladood kala ah.

Ugu danbeyn, waxaa aynu sheegaynaa oo safarkan iyo kuwa la midka ah hore u tilmaamay Madaxweyne Biixi oo yidhi “Waan sii wadi doonnaa inaan dabada ka riixno aqoonsi aan ka hello Midowga Afrika. Sidoo kale, waxaan si gooni gooni ah ula shaqeyn doonnaa dawladaha Afrika, si aanu u gaadhno heshiisyo ganacsi isla markaana fursado ugu furi karno dadkayagga si ay ula shaqeeyaan umado kala duwan,” ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Markaa, waxaa Qallinku leeyahay Farmaajo ama cadhood ama weligaaba ku taagnow Shilinka aan jirin. Somaliland waa jirtay madaxnimadaadda iyo xattaa dhalashadaadii horteed waana sii jiri doontaa ilaa intii Illaahay qoray.

 

 

 

Leave a Reply