Socdaalkii Madaxweyne Biixi iyo sida Warbaahinta Af Somaaligu Wax uga Qoreen

0
553

Madaxweyne Somaliland ayaa Axadii la soo dhaafay socdaal shaqo ugu baxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Socdaalka madaxweynaha waxa lagu sheegay safar shaqo oo qaadan doona Maalmo kooban, isla markaana ka mid ah safaradii shaqo ee hore madaxweynuhu ugu bixi jiray waddamada caalamka iyo dalalka ay Somaliland jaarka yihiin.

Haddaba socdaalkan madaxwenaha waxa ka hadlay warbaabinta Af-somaliga ku hadasha, gaar ahaan warbaahinta Soomaaliya. Socdaalka madaxweynaha ayaa ku beegmay xilli Itoobiya uu ka socda shirkii dalalka midowga Africa, taaasina dareen ayey bixisay warbaahintu siyaabo kala duwan oo malo awaal iyo ifafaale isugu jira ayey uga hadashay. Waxaase hadalka ugu badani soo baxay markii uu madaxweyne Biixi gaadhay Addis Ababa isla markaana la arkay sidii loo soo dhoweeyey.

Waxaa soo baxay SAS sida ka muuqata warbaahinta, waxaana aad looga faallooday sida loo soo dhoweeyey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdillahi Farmaajo. Labadoodba soo dhoweyn isku mid ah ayaa loo sameeyey waxaana madaarka ku qaabilay madaxda heerkoodu isku mid yahay.

Sidoo kale madaxweyne kasta baabuurkii lagu qaaday waxa la sudhay oo ka muuday Calankii dalkiisa taas oo keentay hadal hayn badan. Qaar badan oo warbaahinta ah waxa ka muuday dhaliil ay muujinayaan in ay diidan yihiin in la simo labada dal. Halka qaar warbaahinta ka mid ah ay diidan yihiin in Itoobiya siiso soo dhoweyntaa madaxweynaha Somaliland.

Warbaahinta Puntland magaceeda ku soo baxda waxyaabaha ay ka qoreen Socdaalka Somaliland wuxuu isugu jiraa qoraalo ay Itoobiya ku durayaan iyo tibaaxo ay ka bixinayaan ujeedada socdaalka madaxweynaha Somaliland. Maqaallada ay ka qoreen oo ay dhaliilo ka muuqdeen ayaa waxa ka mid ahaa ciwaanadan “ Itoobiya oo Muuse Biixi iyo Farmaajo midba Calan u taagtay”. Ciwaan kale ayaa wuxuu ahaa “Ethopia oo Muuse Biixi siisay Maqaam Madaxweyne”.

Ciwaan kale oo lagu qoray Website-yada Puntland ah ayaa ahaa “ Sida Itoobiya u soo dhoweysay Madaxweynaha Somaliland iyo sida Puntland madaxdeedu wax kale ugu mashquulsan tahay”.

Qaybo kale oo ka mid ah warbaahinta Puntland ayaa siyaabo kale u dhigay booqashada uu madaxweyne Muuse Biixi ku tegay Addis Ababa, waxaanay bixiyeen Ifafaale ah in Farmaajo iyo Itoobiya aqbaleen gooni isu taaga Somaliland, waxaana ay qoreen war ay ciwaan uga dhigeen “Farmaajo miyuu aqbalay gooni isu taaga Somaliland?”, waxaana ay taas ku tilmaameen qorshe cusub oo ku saabsan Geeska oo uu wato Raysal Wasaare Abiya Axmed. Waxa kale oo ay qoraalkooda ku sheegeen in Farmaajo lagu qanciyey in Somaliland ay ka madaxbannaanato muddo danbe.

Warbaahinta Puntland waxa kale oo ka muuqda in ay werwer ka qabaan socdaalka Muuse Biixi, waxaana ay qoreen maqaalo ay digniini ka muuqato. Ciwaano ka hadlaya waxa ka mid ah ciwaan ahaa “Abiya Axmed, Farmaajo iyo Muuse Biixi oo ka shiraya waxyaabo halis ku ah Puntland”.

Warbaahinta Muqdisho ayaa iyaguna ka hadlay socdaalka Madaxweyne Biixi. Warbaahinta Muqdisho kamay hadal waxyaabo badan oo Puntland Sas ka muujinayeen, laakiin waxay dhaliileen Farmaajo, Itoobiya iyo IGAD. Waxay tilmaameen in Farmaajo uu ka hadhay waxyaabo badan oo dhinaca Somaliland ah, sidoo kale Itoobiya iyo IGAD waxay ku tilmaameen kuwo Somaliland ku soo daraya shirarka midowga Africa.

Ciwaano badan oo ku soo baxay Websiteska Muqdisho waxay u badnaayeen sidaan: “ Madaxweyne Biixi oo Addis Ababa lagu soo dhoweeyey”. “ Socdaal madaxweyne Biixi ee Itoobiya ee xilligan muxuu daaran yahay”. “ Madaxweyne Biixi oo Addis Ababa kula kulmaya madaxweyneyaal Afrikaan ah” iyo kuwa kale oo badan.

Arrinka hadal haynta ugu badan keenay waxa weeye Sawirka Gaadhi lagu qaaday Madaxweynaha oo ka muuqday Calanka Somaliland, kaas ayaa dooda ugu badan ka timi.

Dooda ugu weyni waxay ka jirtay Baraha Bulshada, waxaana aad looga hadlayey soo dhoweynta Madaxweyne Biixi. Hadalka ugu badani wuxuu ahaa Baabuurka martida ee lagu qaaday madaxweynayaasha ee Calanka Somaliland uu sudhnaa, Lamabarkiisuna ahaa 163.

 

Leave a Reply