Wasaarada Warfaafinta iyo Jaamacada Hargaysa oo kala Saxeexday Heshiis

0
584

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa (Dawan)- Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jaamacada Hargaysa ayaa kala saxeexday heshiis ku sahabsan sidii Jaamacada Hargaysa ay tababar u siin-lahayd Shaqaale ka tirsan Wasaarada Warfaafinta oo cilmi baadhis ku samayn doona Dhagaystayaasha Radio Hargaysa iyo Daawadayaasha Telefishanka Qaranka.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta Somaliland Saleebaan Yusuf Cali Koore iyo Guddoomiyaha Jaamacada Hargaysa oo shalay kulan yeeshay Xarunta Wasaarada Warfaafinta ayaa waxa ay ka wadahadleen, isla markaana ay isku afgarteen sidii Jaamacada Hargaysa isku garab taagi la hayd Cilmibaadhista ay Samayn doonto waaxda Qorshaynta ee Wasaarada Warfaafinta iyo Xafiiska Cilmi baadhsita iyo Istaatikista ee Wasaaradaas.

Madaxa Cilmi baadhsita iyo Istaatikista ee Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta Raxma Cabdilaahi Maygaag oo kulankaas ka dib Telefishanka Qaranka la hadashay ayaa waxa ay faahfaahin ka bixisay waxyaabihii kulankaasi lagaga Wadahadlay. waxaanay tidhi “Waxa aan u mahadcelinayaa Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta Saleebaan Yusuf Cali Koore sida uu ugu heelan yahay dardar galinta hawlaha Wasaarada Warfaafinta iyo sida uu isku barbar taagay cilmi baadhis ay samayn doonto Xafiiska Cilmi baadhista iyo Istaatikista ee Waaxda Qorshaynta ee Wasaarada Warfaafinta, taas oo cilmi badhis lagu samayn doono dhagastayaasha Idaacada Radio Hargaysa iyo Daawadayasha Telefishanka Qaranka Somaliland, si hawshaasi loo ambo qaado waxa uu Maanta (Shalay) Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalintu Xafiis kiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Jaamacada Hargaysa Maxamuud Yusuf Muuse iyo Agaasimaha Cilmibaadhsita iyo adeega Bulshada ee Jaamacada Hargaysa Warsame Maxamuud Axmed. kulankaas ujeedadiisu waxa ay ahayd sidii Jaamacada Hargaysa Tababar u siin la hayd Shaqaalaha ka qayb qaadan doona Cilmi baadhistaasi, waxaana uu Guddoomiyaha Jaamacada Hargaysa balanqaaday soona dhaweeyay in Shaqaalahaasi ay tababarka siin doonaan.”

Raxma Maygaag, waxa ay intaasi raacisay “Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somaliland, waxa uu ku ammaanay Jaamacada Hargaysa wada shaqaynta ka dhaxaysa Wasaarada Warfaafinta, waxaana la kala saxeexday heshiis arintaas ku sahabsan”.

 

Leave a Reply