War Deg Degga Madaxweynaha Somalilnad oo Dalka Dib ugu Soo Laabtay

0
553

Hargeysa (Dawan) Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hogaaminayo oo hawlo shaqo ugu maqna dalka Itoobiya ayaa dalka dib ugu soo laabtay galabta.

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibada Somaliland mudane Yaasin Xaaji Maxamuud Xiir ayaa warbaahinta la wadaagey nuxurka safarkii ay ku tageen dalka Itoobiya iyo kulan dhexmaray madaxweynaha Somaliland iyo dhigiisa Soomaaliya waxaanu yidhi “Madaxweyne Biixi iyo Farmaajo waxay ku kulmeen xafiiska ra’iisal wasaaraha Ethiopia, sababtuna waxa ay ahayd waxa isugu yimid xafiiska dhammaan hoggaamiyaaysha Afrika ee shirka ka qayb galay, hoggaamiyayaasha iyo madaxdu way isasii bogaadinayeen, isasii salaamayeen, siina ballamayeen. Goobtaa oo madaxweynuhu joogay ayuunbuu Farmaajana joogay, sidaas ayuuna ahaa kulankoodu”

 

Image may contain: 1 person

Leave a Reply