Taliyaha Ciidanka Booliska Waxaan u Gudbinayaa Qodobadan oo Shaqada Booliska Horumar u ah

0
524

W/Q: Mowliid Aadan Cumar

Taliyaha Guud ee ciidanka Booliska S/G.Maxamed Aadan Saqadhi iyo Taliye Ku xigeenada kowaad iyo labaad Gen.Cabdi Xasan Gen.Daahir Cali Wacays wax an usoo jeedinayaa dhowr qodob oo ka mid ah Horumarinta shaqada C/Boolisku u hayo qaranka iyo shacabka Somaliland.sidaasi darteed waxan leeyahay Hogaanka sare ee C/Booliska oo ugu horeeyo Taliyaha Guud waxan muwaadin ahaan idinku kordhinayaa qodobadan hoos Ku qoran oo aan u arko inayka  mid noqonayaan Horumarinta waajibaadka shaqo ee ciidanka Booliska iyo dhiirigalinta Guud ahaan Ciidanka.

Qodobaduna waa kuwan hoos ku qoran:

  1. Taliye idinkoo ka duulaya horumarinta iyo dhiirigalinta Ciidanka Booliska waa inaad u gudbisaan Madaxwaynaha iyo Golaha Xukuumada codsi qorshe Dirayska Ciidanka Booliska oo Sanadkii mar la siiyo looguna daro Miisaaniyada Qaranka hadii Allah yidhaa taasi oo kor uqaadaysa .bilicda iyo daryeelka Ciidanka.
  2. Taliye adeega cadaalada ee Maxkamaduhu ugu garsooraan shacabka waxay ka soo bilaabantaa Saldhiga Booliska sidaasi awgeed waa inaad Tababar iyo Tayeyn u samaysaan Baadhayaasha dambiyada ee Saldhigyada Booliska.
  3. Taliye,Shaqada ilaalinta nabadgalyada ee Ciidanka Boolisku waxay ka bilaabantaa Qaybaha Ciidanka Booliska iyo Saldhigyada sidaasi awgeed waa in dabagal iyo la socod joogto ah aad Ku samaysaan Qaybaha iyo Saldhigyada ay maamulaan.
  4. Taliye”qodobkani waa dhiirigalin ah Sarkaalka wanaagsan ee guta shaqadiisa way mudan tahay in bulshadu ay idin sheegto shaqo wanaagiisa iyo daacadnimadiisa sidaasi awgeed Taliye waxan kuu soo jeedinayaa in Taliyaha Rugta Madbacada Qaranka iyo Wargayska Dawan ahna mu”adinka Masaajidka Garoonka Timacade Sh.Muuse X.Maxamuud inuu mudan yahay Dalacsiin hal Darajo Hadii Allah yidhaa.

Hadaba Taliye anigoo intaa kusoo kaabaya Talogudbintayda waxan idiin rajaynayaa Allah inuu idinku asturo xilkaa culus.

Wabilaahi Towfiiq

QORE.MOWLIID AADAN CUMAR

HARGAYSA

Leave a Reply