“Afrika waxaan Leeyahay in Badan ayaad iska Indho Tirayseen in Somaliland ay tahay Jamhuuriyad Madaxbannaan oo isku Filan.”Mudane Nacnac

0
497

Khadar.M.Dhako.

Hargaysa(Dawan):-Xildhibaano  ka  tirsan  Goleyaasha wakiilada    iyo  Guurtida Somaliland ayaa  soo  dhaweeyay   sidii  Meeqaamka  sare ahayd ee   loogu  soo  dhaweeyay  Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisa Caasimada  dalka  Itoobiya  ee  Adisababa   oo    shalay  dalka  dib  ugu  soo  noqday.

Xildhibaan  Dayib  Xasan  Boobe  iyo  Xildhibaan Axm,ed  Diiriye  Nacnac  oo shalay  si  wadajira  Warbaahinta ula hadlay  ayaa sheegey  in ay  hambalyaynayaan sidii Meeqaamka sare ahayd  ee  dalka Itoobiya loogu   soo dhaweeyay  Mdaxweynaha  Somaliland iyo weftigii  uu  hoggaamninayay.

 

Xildhibaan  Dayib  Xasan  Boobe oo arrimahaa ka hadlayayna waxaa uu yidhi “Waxa  aan  Hambalyaynayaa  Madaxweynaha  Somaliland Muuse  Biixi  Cabdi  oo  safar  shaqo  oo  Ictiraaf  raadina  ku  tegay  Magaalada  Addis-ababa  ee  Caasimada  dalka  Itoobiya  oo  ay  iskugu  yimaadeen  Madaxdii  dalalka  Afrika,halkaas  oo  Madaxweynaha  Somaliland  ku     fahamsiinayay  Mdaxda  dalalka  afrika  in  laba  dal ay  kala  yihiin  Somaliland  iyo  Soomaaliya  oo  1960  kii  kala  Madaxbanaana,si  meeqaam  sare ah  ayaana  lagu  soo  dhaweeyay  Madaxweynaha  Somaliland  aad  iyo  aad  ayaanan  u  hambalyaynayaa  Madaxweynaha  iyo  weftiga la  socday”.

Sidoo  kale  Xildhibaan  Axmed  Maxamed  Diiriye  Nacnac ayaa  soo  dhaweeyay  sidii  loogu  soo  dhaweeyay Mdaxweynaha  Somaliland Casimada   dalka Itoobiya ee  Adisababa.waxaana  uu yidhi“Waxa  aan  hambalyaynayaa  Madaxweynaha  Somaliland  oo  si  fiican  loogu  qaabilay   Caasimada   dalka  Itoobiya   afrika  waxaan leeyahay  in  badan  ayaad  iska  indho  tirayseen  in    Somaliland  ay tahay    Jamhuuriyad  Madaxbannaan  oo  isku  filan,waxaanu  ka  doonaynaa  Soomaaliya  in  aanu  noqo  laba  dal  oo  jaara  sidaa  aanu    Jabuuti  jaarka  u  nahay  waxaanay  Somaliland  tahay  dawladdii  ugu  horraysay  ee  Soomaali  ah    ee  xornimada  ka  qaadatay  Maxmiyadii  Ingiriiska.”

Leave a Reply