Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha oo Tababar Aqooneed u Qabatay Qaar ka mid ah Shaqaalaheeda

0
433

Qore:Faysal Xiis Afgaab

Hargeysa(Dawan):-Wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo Arrimaha dastuurka Somaliland,ayaa tababar aqooneed u qabatay qaar ka mid ah shaqaaleheeda

Tababrkaas oo muhiimaddiisu ahayd in kor loo qaado aqoonta shaqaalaha si loo helo shaqo wanaagsan iyo xirfadleyaal shaqada ku habboon oo gudan kara hawl maalmeedka ay wasaaradda ugu igman yihiin.

Tababarka ay qabatay wasaaraddu iyo waxyaabaha uu ku saabsanaa,war-saxaadaeed ay ka soo saartay oo nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay wargeyska Dawan,ayaa u dhignaa sidan.

“Kordhinta Aqoonta shaqaaluhu waa halbowlaha iyo laf-dhabarta geeddi-socodka togan ee hawl-socodsiinta maalinlaha ah ee goobaha shaqo. Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arrimaha Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo ka duuleysa kobcinta xirfadda aqooneed ee shaqaalaha ayaa manta(shalay) fulisay tababar ku saabsan toolmoonaanta iyo fahanka culuumta xogheynnimada. Iyada oo diiradda la saarayo:

Fahanka Iyo Garashada Xogheynnimada,

Ahmiyadda Mas’uuliyiinta iyo Waajibaadyada Shaqo ee Xogheynnimada “Importance, Powers and Main duties of Secretory”,

Hubinta qabashada kulamada shirarka, isku dubbaridka iyo kaydinta Xogaha “Ensuring meetings are  effectively orgnized and minute

Joogtaynta diiwaangalinta ballamaha kulan hawleedyo wax ku ool ah iyo Maamulka Hawl-socodsiinta Maalinlaha ah “Maintaning Effective Records and Administration”.

Adkeynta Hannaanka Xog Wadaaga, diyaarinta qoraalada, kaydinta iyo gudbinta farriimaha, ajandaha iyo war bixinaha.

▪Xoojinta Ilaalinta Siraha, door weynaanta ku xaadirsanaanta goobaha shaqo iyo sii adkeynta iska  war heynta hawl-gudaalnimada.

 

Ugu danbeyntii, waxa hubanti ah in haweenku yihiin adhaxda ummadnimo iyo kartigalinta dhaba ee bulshada dunida. Si gooniya hablaha Somaliland hore ayuu Abwaan Hadraawi ugu tilmaamay hablo Geela Dhicin kara. Anaguna ka Wasaarad ahaan waxan sharaf iyo karaamo u  haynaa hablaha shaqaalaha Wasaaradda oo kaalinta koowaad kaga jira guul-gaadhista iyo handaafinta shaqo ee Xafiisyada. Waayo dhammaan inta ka faa’iideysatay tababarkani waxay ahaayeen hablo. Waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa aqoonyahannada u fuliyey tababarkan oo ka hawl-gala Jaamacadda  Golis ee Hargeysa.

 

 

Leave a Reply