Wefti ay Hogaamineyso Wasiirka Haweenka ee Jabuuti oo Dalka soo Gaadhay

0
490

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan):-Wasiirka wasaaradda haweenka Iyo arrimaha Qoyska ee dalka Jabuuti Marwo Muumina Xaamud ayaa dalka booqasho ku  magaalada Hargeysa ee caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaana soo dhaweynteedii ka qayb qaatay wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshadda, wasiirka gaashaandhiga, wasiir ku xigeenadda xannaanada xoolaha iyo qorsheynta, iyo mudan iyo marti sharaf kale.

Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani ayaa sheegtay in marti qaad ay u fidisay ay ku timi wasiirku waxaaney tidhi “Wasiirka haweenka iyo qoyska dawladda Jabuuti, waxaa farxad noo ah in ILLAAHEY nabadqab noogu keeno weftiga ay hoggaaminayso ambasatar Cabdifataax, waxaan leeyahay mar labaad iyo mar saddexaadba soo dhawaada, waanu idiinka mahad celineyna booqashadiina iyo aqbalaada aad naga aqbasheen martiqaadkii  aan idiin fidiyey, marwo Muumina waxaan leeyahay ku soo dhawoow Somaliland, iyadda oo xukuumadda oo dhammeystiran horena u socotay tallaabsatay taagana wakhtigii ictiraafka”

Muumina Xaamuud wasiirka wasaaradda qoyska iyo haweenka ee dalka Jabuuti ayaa sheegtay in imaanshiyaheeda magaalada Hargeysa uga dhigan yahay inay timi magaaladeedii labaad waxaaney tidhi “Anigu manta(shalay) walaalahey ayaan la jooga, waxaan jooga wadankeygii waxaanan jooga meel aan wax badan ku bartay, maanta ILLAAHEY mooyaane bini’aadam ma dareemi karayo, 17-sano ka hor ayaan magaalada Hargeysa imid muddo afar sanadooda ayaan ka shaqeynaya”

 

Leave a Reply