Burco: Meheradda Ganacsiga Haldoor Farniture Oo Xadhiga Laga Jaray

0
508

By: Khadar Cabdi Muuse

 

Burco (Dawan):: Badhasaab ku-xigeenka gobolka Togdheer Maxamed Cabdlaahi Ibraahim (Nafaqo), iyo masuuliyiin kale ayaa shalay xadhiga ka jaray meherad ganacsi oo magaceedda la yidhaahdo Haldoor oo laga hirgeliyay magaaladda Burco.

Meheradan ganacsi ee Haldoor Furniture  ayaa iibinaysa ama laga heli karaa qalabka xafiisyadda iyo guryaha oo casri ah. Waxaana hirgelinteedda ku shuraakoobay  dhalinyaro iyo aqoon yahano reer Togdheer ah.

Meheradan Haldoor Furniture ayaa hore u iibin jirtay qalabka Kombuyuutaradda  iyo xafiisyadda iyadoo hadda lagu soo kordhiyay agab kale oo ay ka mid yihiin kuwa xafiisyadda kaasoo markii hore aan laga heli jirin magaaladda Burco, isla markaana loo doonan jiray Hargaysa.

Sidoo kale Haldoor Furniture ayaa hore u iibin jirtay qalabka Kombuyuutaradda  iyo xafiisyadda ayaa hadda lagu soo kordhiyay agab kale oo ay ka mid yihiin kuwa xafiisyadda kaasoo markii hore aan laga heli jirin magaaladda Burco, isla markaana loo doonan jiray  magaaladda Hargaysa iyo dalka dibadiisa.

Munaasibad loo sameeyay xadhig ka jarista meheradan ganacsi waxaa ka soo qayb galay badhasaab ku-xigeenka gobolka Togdheer, xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi), oo ka tirsan golaha degaanka Burco.

Guddoomiyaha rugta ganacsiga ee gobolka Togdheer,  isu-duwaha wasaaradda deegaanka ee gobolka Togdheer, taliyaha qaybta  ciidanka asluubta gobolka Togdheer iyo sidoo kale mulkiileyaasha iyo masuuliyiinta meheradan Haldoor furniture.

Maxamed Daahir, waa guddoomiyaha meheradan ganacsi ee Haldoor, waxaanu ka warbixiyay noocyadda qalabka ay bulshadu ka heli karaan meheradani.

Waxaanu sheegay in ay keeneen qalab casri ah, isla markaana ay ugu tallo galeen in ay daboosho baahidii ay qabeen bulshadda gobolka Togdheer iyo kuwa bariga dalka.

“Waxaanu keenay qalabkii ugu casrisanaa ee loo adeegsado xafiisyadda. Bulshadda gobolka Togdheer iyo bulshadda goboladda Bari-ba waanu soo dhawaynaynaa.

Meheradan aan maanta daah-furayno-na waxaanu ugu tallo-galnay in ay daboosho baahida loo qabo adeegyadan aan imika bixinayno”ayuu yidhi Maxamed Daahir.

Badhasaab ku-xigeenka gobolka Togdheer Maxamed C/laahi Ibraahim (Nafaqo), ayaa soo dhaweeyay meheradan ganacsi ee ay dhalinyaradani hirgeliyeen.

Waxaanu sheeegay in uu ka mid noqon doona macaamiisha ugu horaysa ee meheradan wax ka iibsata. Waxaanu yidhi, “Waan soo dhawaynayaa meheradan qalabka casriga ku soo kordhisay gobolka Togdheer.

Anigu waxaan ka mid noqon doonaa macaamiisha ugu horaysa ee ka iibsata meheradani agabka. Saaxiibadayda madasha jooga iyo kuwa maqana waxaan ugu baaqayaa in ay ka mid noqdaan macaamiisha wax ka iibsata meheradan Haldoor furniture”.

Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi), oo hadal ka jeediyay munaasibadii xadhiga lagaga jarayay meheradan ganacsi ayaa sheegay in qalabka ay meheradan Haldoor soo kordhiyeen uu yahay mid aad u cusub, isla markaana aanu noociisu hore dalka u oolin.

Waxaanu yidhi, “Meheradani waxay maanta ku soo kordhiyeen qalabka xafiisyadda oo aad u casri ah, oo markii ay ishaydu ku dhacday aan is odhan karo, waa qalab aan dalkeenaba oolin, oo aad u fiican.

Waan hambalyaynayaa dhalinyaradda meheradan Haldoor. Waxaanan ILLAAHAY SWT uga baryaynaa, fa’iidadii uu ka doonayay in uu ka hello”.

Dhinaca kale guddoomiyaha rugta ganacsiga ee gobolka Togdheer,  isu-duwaha wasaaradda degaanka ee gobolka Togdheer, taliyaha qaybta ee ciidanka asluubta gobolka Togdheer, oo halkaasi hadalo ka jeediyay ayaa soo dhaweeyay meheradan ganacsi ee cusub.

Taasoo ay ku tilmaameen mid wax badan ka dabooli doonta baahidii ay bulshadda gobolka Togdheer iyo goboladda kale-ba u qabeen helitaanka qalabkan.

Waxaanay sheegeen in meheradani Haldoor ay shaqo abuur u samaysay dhalinyaradda Burco, isla markaana ay qayb ka tahay horumar wanaagsan iyo kobcinta dhaqaalaha ee gobolka Togdheer ku soo kordhaya

Leave a Reply