Siyaasi Cabdilaahi Jawaan oo Sheegay Somaliland inay guul u Tahay Safarkii Madaxweynuhu ku Tegay Itoobiya.

0
459

Khadar.M.Dhako.

Hargaysa(Dawan):- Siyaasi Cabdilaahi  Xaaji  Cumar  Cabdilaahi Jawaan,ayaa sheegay in ay Somaliland guul u tahay safarkii shaqo ee Madaxweynaha Somaliland iyo weftigii uu hoggaaminayay ay ku tageen xarunta dalka Itoobiya ee Addis-ababa.

Cabdilaahi jawaan,ayaa intaa ku daray in si  meeqaamsare  ah  loogu  qaabilay  Mdaxweynaha  Somaliland  qolka VIP ee  garoonka  caalamiha ah  ee  Addis- ababa,isla  maraakana  la  sudhay  calamada  Somaliland  iyo  Calamada  Itoobiya.waxaanu yidhi “Waxaan  u  arkaa  in  uu ahaa  Safarkii  Madaxweynaha  Somaliland  ku  tegay   dalka  Itoobiya  safar  guul  u ah  Somaliland  waayo waxaan  arkayay  sida  loo  soo dhaweeyay,waa markii  ugu  horraysay  ee  calanka  Somaliland  la sudho  gaadhigii  uu  raacayay  Madaxweynuhu  halkii  lagu  qaabilay  ee  VIP Calankii  Somaliland  iyo  Calankii  Itoobiya  waa  is  garab sudhnaayeen   sidii  Madaxweynaha  Somaliland  loo  soo  dhaweeyay  iyo  sidii  madaxweynaha Soomaaliya loo  soo  dhaweeyay isku  mid  ayuunbay  ahaayeen  Madaxweynaha  Somaliland  ayaana  Wadanka    loo  doortay  oo  lagu  aaminay  isaga  ayaana  metela,Waxa  uu  muujiyay  Madaxweyne  Muuse  Biixi  Cabdi  isku  kalsoonaan  Adduunku  waxa  uu arkaa Somaliland oo uu ka  aaminsanayahay  fikrad  Wanaagsan  dad  arrintooda dhamaysan  kara  wixii  dhibaato  ee  jirana  iyagu  dhamaysanaya  ayaa  loo arkaa  Somaliland,”.

 

 

Leave a Reply