Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigii uu Hoggaaminayay Socdaal Guulo Qaran ku soo Dhammaaday ka Dib Dalka kusoo Noqday

0
463

 

“Ujeedadu waxay ahayd sidii qadiyadda Somaliland looga dhaadhicin lahaa dalalka Afrika iyo inta xidhiidhadda iyo danuhu innaga dhexeeyaan”

 “Waxaan idiin sheegayaa in madaxweyne Biixi iyo madaxweyne Farmaajo ay xafiiska Raysal-wasaaraha Itoobiya ku kulmeen”… wasiirka khaarejiga Somaliland

Qore:Khadar Cabdi Muuse

 

Hargaysa (Dawan): -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo  uu hoggaaminayey oo safarka shaqo ugu maqnaa dalka Itoobiya ayaa shalay gelinkii danbe dalka dib ugu soo noqday ka dib markii ay soo dhammasaysteen socdaal shaqo oo ku soo dhammaaday guulo qaran isla markaana ay kulamo kula yeesheen madaxweyneyaal iyo Raysal-wasaareyaal ka mid ah madaxda dalalka qaarada Afrika iyo madax kale oo caalami ah oo ka soo qayb galay shirkii sannad laha ahaa ee madaxda Midawga Afrika ee Addis-ababa.

.

Muddadii weftiga Madaxweynaha Somaliland ay ku sugnaayeen Addis Ababa waxay kulamo kala duwan la yeesheen madaxda qaarada Afrika ee shirka ka qayb gelayay oo uu ka mid ahaa madaxweynaha Soomaaliya.

Sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Prof:Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo   warbaahinta uga warbixiyay socdaalka shaqo ee weftiga madaxweynaha.

Waxaanu sheegay wasiir Faratoon in ujeedadda safarkaasi ay la xidhiidhay sidii qadiyadda Somaliland  looga dhaadhicin lahaa dalalka Afrika.

Waxaanu yidhi,  “Qadiyadda Somaliland sidii looga hawl-geli lahaa, ee diblomaasiyad ahaan iyo siyaasad ahaanba loo faafin lahaa, ee looga dhaadhicin lahaa dalalka Afrika iyo inta xidhiidhadda iyo danuhu innaga dhexeeyaan, ayay u jeedadda shirka loo tegay ahayd”.

Waxaanu intaas raaciyay, “Shirka markii hore aniga ayaa tegay, muddo markii uu socdayna waxaa noo muuqatay in uu ka miisaan weyn yahay, oo  intayadii markaa halkaa joogtay ka balaadhan loo baahan yahay.

Sidaa darteed ayaan madaxweynaha ugu yeedhay. Madaxweynuhu si deg deg ah ayuu ku soo baxay, isagoo markaa dareemay baahidda loo qabo in shirkaa laga qayb gallo”ayuu yidhi wasiir Faratoon.

Waxa kaloo wasiirku uu faahfaahin ka bixiyay madaxdii uu kulamadda la yeeshay madaxweynaha Somaliland iyo waxyaabihii uu kala hadlay.

Waxaanu yidhi wasiirku “Shirkaasi intii aanu joognay waxaanu la kulanay, oo qadiyadda Somaliland aanu kala hadalnay, oo aanu hor fadhiisanay madax badan oo Afrika ah iyo dad kaloo  badan oo caalamka, oo ka soo qayb galay shirkaa ama goob joog ka ahaa.

Madaxweyneyaal haday tahay, wasiirro hadday tahay, laamaha madasha Afrika haday tahay iyo hay’addo kale oo fara badan oo caalamiya, ayaanu halkaasi kula kulanay, oo aanu ka wada hadalnay qadiyadda Somaliland”.

Geesta kale wasiirka arrimaha dibedda Somaliland waxa uu sheegay in shirkaasi ay guul weyn ka gaadheen, isla markaana ay qadiyadda Somaliland fahamsiiyeen madax fara badan.

“Waxaanu u aragnaa shirkaasi in aanu guul ka gaadhnay, oo danihii aanu ka lahayn ama looga baahnaa aanu ka gaadhnay. Aad iyo aad ayaanu guulo badan uga soo hoynay, cid walba oo aanu halkaa isku aragnayna si wanaagsan ayaanu isku af-garanay.

In badan ayaanu fahansiinay qadiyadda Somaliland ama fahamtahay arrinta qadiyada Jamhuuriyadda Somaliland”ayuu yidhi wasiirku.

Waxa kale oo uu wasiirku sheegay intii ay ku jireen arrimaha shirkaasi in si heer sare ah loo qaabilay. Waxaanu yidhi “Shirkaas haddii ay tahay ka soo qayb-galkiisa iyo tegi-taankiisa iyo haddii ay tahay meelihii aanu tegaynay cidii aanu la kulanay, dawladda Itoobiya iyo intii kale ee aanu la kulanay-ba si meeqaamkeedu aad u sarreeyo ayaa la noo soo dhaweeyey.

Meeqaam la siman ama la mida haddiiba aanu ka sarrayn waddamo badan oo Afrika ah ama dalalka Afrika oo dhan intii la siiyay meeqaamkii madaxdooda ayaa madaxweynahana la siiyay, oo lanagu soo dhawaynayay oo aanu kaga qayb-qaadanay meel walba oo aanu joognay.

Waxaan idin sheegayaa in Raysal-wasaaraha Itoobiya, guddoomiyihii cusub baa ee loo doortay Afrika sannadkan iyo dhammaantood in lala kulmay oo uu madaxweynuhu la kulmay sidii loo baahnaana ay u kulmeen”.

Dhinaca kale wasiirka arrimaha dibedda Somaliland waxa uu caddeeyay in madaxweynaha Somaliland iyo madaxweynaha Soomaaliya ay ku kulmeen xafiiska Raysal-wasaaraha Itoobiya.

Waxaanu yidhi, “Waxa kaloo aan idiin sheegayaa, madaxweyne Biixi iyo madaxweyne Farmaajo, xafiiska Raysal-wasaaraha Itoobiya ayay ku kulmeen.

Madashaasi waxay ahayd meel madaxdii Afrika oo dhami ay imanaysay, oo lagu wada marti-qaadayay markii shirkii Afrika uu dhamaaday, madaxdu way isa-sii arkaysay, waa la isa-sii macasalaamaynayay, waa la balamayay.

Sidaas ayaanu madaxweynuhu ku tegay, madaxweyne Farmaajo-na isna sidaas ayuu ku yimid. Sidaas ayaanay isku arkeen.”ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir(Faratoon)

 

Leave a Reply