Xukuumadda iyo Maamulka Gobolka Gabilay oo Ka Hadlay Ganacsato Lagu Xidhay Wajaale

0
545

“Wajaale laba dawladdood ka wada jiri maayaan ee dawladda Somaliland ayuu amarkeedu ka shaqaynayaa ..”Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaadiidka

 

Qore: Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)

 

Wajaale(Dawan):-Xukuumadda Somaliland iyo maamulka gobolka Gabilay iyo ka degmada Wajaale,ayaa ka hadlay ganacsato falal amni darro ku kacay isla markaana ka hor yimi shaqo qaran oo laga qabanayay degmada Wajaale oo la xidhay.

Ciidanka booliska Tog-wajaale ayaa maalintii shalay ku xidh-xidhay magaaladaasi Ganacsato iyo dad kale oo ka hor-yimi qorshaha dhismaha Deked qalallan oo laga dhisayo dhul dawladdu leedahay oo qayb kamida hore loogu qoondeeyey xabaallo, balse imika intii xabaalaha loo jaray mooyaane intii kale loo diyaariyey in dekeddaasi laga sameeyo.

Xadhigga Ganacsatadan ayaa la sheegay inuu  ka dambeeyey, kaddib markii ay warbaahinta ka sheegeen in ay dawladdu iibisay dhulkaasi, isla markaana ay buuq iyo fowdo kala hor-yimadeen wefti ka socda Maamulka gobolka iyo Wasaaradda horumarinta gaadiidka oo halkaasi tegay, sida uu sheegay Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Gabiley Gaashaanle Dhexe Aadan Cabdi Cawaale oo ka hadlay sababta loo xidh-xidhay dadkaasi.

“Saaka (Shalay) markii aanu meeshii is nidhi soo dhagax-dhiga iyadoo badhasaabku na hoggaaminayo dagaalbay nagu bilaabeen dhagax bay noo qaateen, wixii aanu qaban karaynay waanu qabanay, wixii kalena waxaan ku ballan-qaadayaa meel kasta oo ay tagaan kiiskaa amni-darada ah in aanu u soo qabanayno, sharcigaana la marin  doonaa”sidaas ayuu yidhi Taliyaha qaybta Boolisku.

Geesta kale, Badhasaabka Gobolka Gabiley Maxamed Cismaan Xaaji Axmed, ayaa isna sheegay in dadka abaabulay muranka iyo fowdadu marmarsiiyo ka dhigteen in dhulkaasi xabaallo loogu talogalay, balse diyaarinta xabaallaha iyo qorshaha dekeddaniba yihiin masuuliyad dawladdu leedahay oo aan waxba ka khusayn shacbiga.

“haddii iskuul loo baahdo, haddii dhakhtar loo baahdo, haddii xannaano loo baahdo iyo haddii xabaallo loo baahdo,annaga ayey masuuliyadaasi na  saaran tahay oo dawladdii-baanu nahay.”

 

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in sharciga lala tiigsan doono dadka ka shaqaynaya xasilooni-darada iyo kicinta bulshada, kuwaasoo uu farta ku fiiqay in ay kamid yihiin tijaarta ka ganacstada magaalada. “manta(shalay) wajaale waataasoo way camarintahay Ninka bilicdaa iyo quruxdaa ay leedahay magaaladu shoobaro gelinaya ee nabad-gelyada khalkhalka gelinaya, isagoo ganacsade sheeganaya, sharcigu wuxuu na kala siiyo ayuu helayaa”ayuu yidhi Gudoomiye Maxamed Cismaan.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo  horumarinta jidadka Somaliland Cumar-sayid Cabdilaahi Aadan, ayaa dhankiisa uga digay dadweynaha in ay faro-geliyaan shaqada dawladda, isla markaana laga hor-yimaado waxyaabaha lagu horumarinayo danta guud iyo adeegyada qaranka.

Agaasimaha ayaa meesha ka saaray jiritaanka doodda sheegaysa in dhulka laga dhisayo dekedda laga iibiyey dad shacab ah oo ku shaqaysanaya, hadalkaasoo uu kaga jawaabayo xan suuqa la geliyey oo sheegaysa in dhulkaasi la siiyey Ganacsade shacab ah.. “halkan  la dhisayaa waa wax Wasaaradda Gaadiidku leedahay, maaha wax cid gaar ahi leedahay, waa wax dalku leeyahay, wax qof leeyahay maaha”ayuu yidhi.

Agaasime Cumar ayaa intaa ku daray “Dadka reer Wajaale ee shakiga ka muujiyeyna waxaanu leenahay annaga waxba naguma jiraan halkan dan ummaddeedbaa laga dhisayaa.

Wajaale laba dawladdood ka wada jiri maayaan ee dawladda Somaliland ayuu amarkeedu ka shaqaynayaa qofka shacabka ahi in uu dantiisa raacdo ayaa la doonayaa”ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaadiidka oo u jeediyey Ganacsatada magaaladaasi in aanay ku xad-gudbin sharciga iyo fulinta Dawliga ah.

Dhanka kale, Maayerka Magaalada Wajaale oo faahfaahin ka bixiyey dhulka laga dhigayo Dekedda iyo meesha xaaballaha loogu talo-galay, ayaa sheegay “meeshan aynu iminka joogno ee Dekedda laga samaynayaa waa wadadii laamida ahayd, in laamida xabaallo la keennaana suurtogal maaha” ayuu yidhi Guddoomiye Xaashi oo ku eeddeeyey Ganacsatada Wajaale in ay doonayaan in ay ka taliyaan Dhulka danta guud ee Dawladda, kuna doodday in aanay taasi ahayn mid maamul ahaan ay aqbalayaan.

 

Leave a Reply