Waraaqaha Wax Lagu Qoro Iyo Buuggaagta Oo La Filaayo Inay Dhowaan Caalamka Ka Suulaan

0
517

Waxa dhowaan suuqyadda adduunka soo galay qalab yar oo loogu talo galay in lagu gurto Buggaagta la akhristo, sidoo kalena wax lagu qori karo oo lagu magacaabo  Kindle oo ah  qalab yar oo buug oo kale ah, kaas oo ay soo saartay shirkadda Amazon, waxaanu awood u lee yahay in lagu shubto 84%  buuggaagta caalamiga ah ee  kala duwan ,kuwaas oo intooda badan laga helo suuqyadda buuggaagta, waxaanu si gaar ah ugu xidhan yahay suuqyadda buuggaagta ee Maraykanka, sidoo kale 80% waxa uu sidoo kale ku xidhan yahay oo laga heli karaa suuqyadda buuggaagta ee Ingiriiska,  57% waxa uu kaga xidhan yahay suuqyadda Kanada ee Buuggaagta, 61% waxa uu sidoo kale kaga xidhan yahay wadanka Australia,  laakiin waxa ay xiisadda ugu weyn ee qalabyadda noocan ahi dhex taallaa waqtigan shirkaddaha Google iyo Apple  oo iyaguna doonaaya in ay qalabkan oo kale soo saaraan, iyaga oo doonaaya in ay guri guri iyo qof qof gacanta ugu dhigaan caalamka, waxaana waqtigan ku horeysa soo saarista qalabkan wax lagu qoro waxna lagu akhristo shirkadda Apple , iyada oo 11% kaga horeysa suuqyadda wax akhriska  iyo isticmaalka qalabkan yar shirkadda kale ee Google.

Waxa isna suuqa soo galay qalabka yar ee lagu magacaabo  Aluratek oo ay soo saartay shirkadda Sony, waxaana hore u ikhtiraacay wiil reer Japan ah oo  lagu magacaabo Yushiitaaki Yukitaak, waxaanay u maalgelisay shirkadda Sony ,waxaanu ikhtiraacay sannadkii 2003-dii, waxaanu qalabyadda kale kaga duwan yahay dhinaca khadka oo buuggaagta ka dhigaaya habkoodii dabiiciga ahaa.

Qalabkan ayaa iibkiisu bilaabmay sannadkii labaad  oo ahaa 2004-tii, iyada oo lagu shubay 1000 buug oo kala duwan, iyada oo uu isna buuggaagtii ugu badnayd ku shubay ninka iska leh shirkadda Amazon , waxaanu markii ugu horeysayba ugu deeqay 30 buug oo kuwa ugu muhiimsan akhris ahaan ah, waxa uu sidoo kale qalabkan u qaybiyey shaqaalaha shirkaddiisa.

Sidoo kale shirkadda Amazon waxa ay gacan weyn ka geystay soo saarista qalabka lagu magacaabo Amazon Kindle , waxaanu soo baxay saddex sanno ka dib markii uu qalabkani  soo baxay, waxaana u calaamad ah  calaamada Shirkadda Amazon, waxaana ku jira 33,000 oo buug, waxaana lasoo bandhigay sannadkii 2007-dii oo ahaa markii ugu horeysay ee lasoo bandhigo taleefankii ugu horeeyey ee Iphone ah.

Marka laga yimaado Taleefankaasi soo baxay, waxa iyaguna suuqyadda ganacsiga qalabka Electronic-ga ah xiise gaar ah u yeelay qalabkan akhriska ee lagu soo kordhiyey, waxaanu waqtigaas qiimihiisu ahaa 500 oo Dollar.

Qalabyadan oo dhan waxa hormuud u ahaa qalabkan Kindle ,waana mid ka jaban waqtigan qaybihisii hore .

 

Leave a Reply