Ruushka , Holland Iyo Japan Oo Markale Oo Dib U Tijaabiyey Dawo Lagula Dagaalamaayo Gabowga

0
584

Magaaladda Moskow , waxa ay culimada Fisigiska ee dalka Ruushku sheegeen in ay soo saareen dawo ay ku tilmaameen mid dheerayn karta da’da bani’aadamka, taas oo gaadhsiin karta qofka da’diisa ilaa 140 sanno, isaga oo qofku cunaaya toban xabo oo kiniin ah.

Kiniinkan ayaa ah mid markii hore loogu talo galay in lagu daweeyo Xanuunka Kansarka , waxaanay khubarradani tilmaameen in uu jiro wax u dhexeeya Xanuunkan Kansarka iyo Da’da ama Gabowga, waxaana lagu magacaabaa Waxaas Telumiir, waxaanay tilmaameen in uu yahay unug ku dhex jira maskaxda , kaas oo sababa in uu kala qayb qaybsamo Xanuunkan kansarka unugyadiisu, sidoo kalena waxay ku tilmaameen unuga soo dedejiya  gabowga.

Waxay khubarradani sheegeen in markasta oo uu qofku da’ahaan sii weynaado in Unuganina weynaado, inkasta oo uu awood ahaan yaraado , waxa ay sidoo kale tilmaameen in isaga laftiisu uu iskii u qaybsamo , taasina ay meesha ka saarto gabowgii deg dega ahaa ee uu keenaayey, waxaanu ugu dambayn gaadhaa sida ay khubarradani sheegeen heer uu dhinto oo meesha ka baxo, waxa ay sidoo kale tilmaameen mid ku yar dhalinyaradda iyo carruurta, waxaana kobciya Barruurta badan ee qofka fuusha, Cabitaanka sigaarka iyo waxyaalaha kala duwan ee hawada wasakheeya.

Dawadan ay  isticmaalkeeda jideeyeen khubarradan Ruushka ahi ayaa ah mid ka caawinaysa unugyadda dhalinyarronimada in ay awood yeeshaan, iskana difaacaan dhecaanadda uu soo daayo unugan Tiloomiir, unugyadaas oo si dabiici ah ugu wada jira Jidhka dadka, waana kuwo ku badan unugyadan Gabowgu dumarka  ama Hablaha , sida ay khubarradani sheegeen.

Khubarrada wadanka Holland-na waxa ay iyaguna wax ka bedel ku sameyeen dawo hore loogu isticmaali jiray la dagaalanka Buurnida iyo culayska saa’iidka ah ee jidhka, taas ooo waqtigan lagula dagaalamaayo gabowga,  waxaanay tilmaameen in qaybta gabowga keenta ee Maskaxdu ay sidoo kale masuul ka tahay in qofku cunto badan cuno, sidoo kalena uu noqdo mid bilaa fikir ah, taas oo ugu dambayn ka dhigta qof Buuran oo culays badani jidhkiisa saaran yahay.

Khubarrada reer Holland oo ka socotay jaamacadda Urasmoos ayaa sheegay in ay dawadan u isticmaalayaan in la raaciyo DNA-da, taas oo ay markii horeba kazoo qaadeen, iyada oo uu jidhka ka dhigaabo mid iska ilaalin kara koritaanka deg dega ah, sida Unuga  GH ee qaabilsan Koritaanka , kaas oo ay ciyaartoyda  qaarkood u isticmaalaan in uu koriyo muruqyadooda, waxa kale oo ay dawadan Dhakhaatiirta Holland soo saareen ay dilaysaa unugyadda jidhka u qaabilsan gabowga, iyada oo sidoo kalena joojinaysa in ay qayb qaybsamaan, gaar ahaana xiliyada ay isu diyaarinayaan in ay qaybsamaan ee ay soo daayaan dheecaanada Kiimikada ah.

Khubarrada caafimaadka ee Japan ayaa iyaguna  hab  kale u fikiray , iyaga oo isticmaalaaya unugyadda dadka, jaamacadda Yokohama khubarro ka tirsan ayaa awood u yeeshay in ay keenaan Beer dad, iyaga oo kala baxay unugyo Beerka ku jiray, sidoo kale waxa ay unugyo kale kala soo baxeen  unugyo ay doonayeen in ay kala baxaay qaybo DNA  ah , taas oo ay kasii samaynayaan dawo lagula dagaalamaayo Gabowga, waxaanay DNA-da unugyadan oo ay isku dareen ku tijaabiyeen Jiir kuwa tijaabada ah, inkasta oo ay hay’addaha xuquuqda Bani’aadamku arrintaas ka hor yimaadeen, sidoo kale Is weydiiyeen waxyaalaha ka dhalan kara isbedelka mustaqbal ee dawooyinkani ay keeni karaan.

Khubarrada Japan waxa ay wadaan baadhitaan ay ku raadinayaan wadooyin ka fudud wadooyinkan waqtigan la maraayo oo dhan,waxaanay wadaan hab ay wax kaga bedelayaan Kiniinka Vitamin 11 loo yaqaano  oo inta badan dadka waaweyn loo qoro,sidoo kalena la siiyo dadka uu hayo Kansarka Beerku, iyaga oo tilmaamay in ay waxyaalo badan wadaagaan unugyadda Kansarka iyo unugyadda Gabowga keenaa.

 

 

 

 

 

Leave a Reply