Shaaha Oo La Ogaadey In Aanu Dhibaato U Lahayn Jidhka Dadka

0
701

Khabiir u dhashay wadanka Ruushka oo lagu magacaabo Elisabit  Tikhonova  oo ka tirsan  Khubarrada Ruushka ee Arrimaha Nafaqada  ayaa markii ugu horeysay cadaysay in aanay jirin saamayn  dhibaato oo uu Shaahu ku lee yahay Jidhka qofka, waxaanay sidaas ku sheegtay mar ay u waramaysay Barnaamijka Caafimaadka ee ka baxa Idaacadda Sputnik oo uu wargeyska Dawan qormadan kasoo xigtay.

Gabadhan Aqoonta badan u leh Arrimaha Nafaqaynta ayaa tilmaantay in aanay jirin wax Sun ah oo ku jirta Shaaha, sidaas darteedna aanu Shaahu waxyeelo u lahayn  Jidhka, soona gaadhsiin Karin, waxa ay sidoo kale tilmaantay in aanu Coffee-ga Shaaha iyo Caanaha badan lagu daro laftiisu lahayn wax saaamayn ah oo badan, laakiin xiliga uu kelidii yahay, isla markaana uu bilaa caanaha yahay  ayay ku tilmaantay mid saamayn ku yeesha  shaqada Jidhka, waxaanay ka digtay in la siiyo carruurta yar yar.

Mrs Tikhonova waxa ay sheegtay in uu Coffee-ga keliyaataa tamar badan jidhka geliyo, kana dhigo mid ay ka tagto Hurdadu, waxa ay sidoo kale tilmaantay in ay suurtogal tahay in ay Maskaxdu fariimo khaldan dirto marka uu qofku cabo Coffee-ga keliyaata, waxaanay maskaxdu ugu yaraan heegan gelaysaa 8 saacadood, taas oo keeni karta dhiig maskaxda ku furma.

Waxa isna Carismaya  Wadnaha iyo qaybo kale oo jidhkeena kamid ah , kuwaas oo uu saamayn kaga tegi karo Coffee-gu, waxaanu khatar ku keeni karaa Coffee-gu Wadnaha mustaqbalka.

 

 

 

Leave a Reply