Ruushka Oo Hubkiisa Ciidamada Kusoo Kordhiyey Hub Cusub

0
613

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ruushka ayaa waqtigan bilawday in ay kusoo kordhiso hubka ay ciidamadeedu isticmaalaan hub cusub, kaas oo ay dhowaan sameeyeen warshadaha ciidamadu , sida uu sheegay afhayeen u hadlay  shirkadda Hubkan samaysay oo lagu magacaabo Purevistnik.

Afhayeenkan u hadlay shirkaddan ayaa sheegay in ay wadaan waqtigan tijaabadii ugu dambaysay ee ay Hubkan ku samayn lahaayeen, waxa uu sidoo kale sheegay in Ciidamada laftooduna ay  tijaabo ku samayn doonaan Hubkan, waxaana hubkan lagu sameeyey warshad ay shirkaddani ku lee dahay magaaladda Lucknow.

Hubkan ayaa ah mid loo sameeyey qaabka Artillery-ga hubka loo yaqaano,  waxaanu qayb ka ahaa mashruuc uu hore u bixiyey lacagtiisa una saxeexay madaxweynaha Ruushku , kaas oo dhammaanaayey sannadkan aynu galay ee 2020.

Hubkan cusub waxa kamid ah gaadiida ay qoryo kala duwani ku rakiban yihiin, waxaana qoryahaas kamid ah mid 82-mm ah oo lagu magacaabo Druk, waxa isna  kamid ah mid dhererkiisu yahay 120 mm oo lagu magacaabo Fox iyo gaadhi weyn oo lagu magacaabo Magnolia oo uu saaran yahay qori dhererkiisu yahay 152-mm, waxaana qoryahan ku wada rakiban kamarado si fudud loogu arki karo goobaha la doonaayo in la duqeeyo.

Khubarrada ciidamada Ruushka ayaa aaminsan in hubkan iyo gaadiidkani yihiin kuwo ciidamada kusoo kordhin kara awood badan , waxaanay tilmaameen in qaarkood ay wax ka toogan karaan ama ka dili karaan masaafo dhan 6000 oo meter .

Taliyaha ugu sareeya ciidamada Dhulka ee Ruushka  oo lagu magacaabo Oleg Salyukov oo u waramaayey wakaaladda wararka ee TASS  oo uu qormadan kasoo xigtay wargeyska Dawan ayaa sheegay in ay 18 bilood ka dib bilaabi doonaan Ciidamada Ruushku isticmaalka hubkan.

 

 

Leave a Reply