Hay’ada Laan Qeyrta Cas ee Jigjiga oo Baabuur Ambalaasyo ah lagu Wareejiyey + Sawiro

0
867

Jigjiga (Dawan) Hay’adda Laan-qeyrta Cas qaybteeda magaalada Jig-jiga ayaa waxaa maanta lagu wareejiyey saddex baabuur oo Amblaasyo ah iyo hal gaadhi oo Hard Talk, waxaaney hay’addu ka heshay deeqdan hay’adda Laan-qeyrta Cas ee caalamiga ah (ICRC) taas oo ugu deeqdey laba ambalaas iyo halka gaadhi ee hard talk ah, dhankeeda waxa ay hay’adda Laan-qeyrtu soo gadatey hal ambalaas.

Waxaa ay masuuliyiinta hay’addan iyo maamulka magaalada Jig-jiga kaga hor tageen gaadiidkan duleedka magaalada gaar ahaan agagaarka buurta Kaara Mardha.

Ambalaasyadan ayaa u adeegi doona bulshadda ku nool magaalada  Jigjiga iyo agagaarkeeda, iyada oo lagu geyn doono Harar, Dir-dhaba ilaa Addis Ababa, sida ay warbaahinta u sheegen mas’uuliyiinta hay’addu.

Image may contain: sky and outdoorImage may contain: 1 person, standing, sky and outdoorImage may contain: one or more people, car and outdoorImage may contain: 1 person, outdoorImage may contain: 1 person, standing, sky and outdoorImage may contain: car and outdoor

Leave a Reply