Hay’adda Shaqaalaha Dawlada oo Shaacisay Tartamayaal ku Guuleystay Kaalmo Shaqo

0
705

Qore Khadar M. Dhako

Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Jamhuuriyadda Somaliland mudane Farxaan Aadan Haybe ayaa ku dhawaaqay natiijada xubno ku guulaystay labaatan kaalin shaqo (20) oo ka mid ah 26 kaalin shaqo oo Hayada Shaqaalaha dawladu hore u soo xayaysiisay.

Farxaan Aadan Haybe waxa uu sheegay in lix iyo laabatan kaalmo shaqo oo ka bannaan qaar ka mid ah wasaaradah iyo hay’addaha madax bannaan ee dawladda ay soo dalbadeen tartamayaal dhan 1577 tartame, halkaasi oo ay ku soo baxeen liiska gaaban (short list) todobaatan iyo siddeed tartame (78) iyada oo ay kaalintiiba saddex xubnood ku tartameen.

Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu sidan ku sheegay war qoraal ah oo uu ku baahiyay bartiisa Facebooga, waxaanu yidhi “Waxaan halkan idinkula wadaagaynaa natiijada xubnaha ku guulaystay labaatan kaalin shaqo (20) oo ka mid ah 26 kaalin shaqo oo Hayada Shaqaalaha dawladu hore u soo xayaysiisay halka Lix (6) kaalin shaqo ay cidina ku soo bixi wayday sida sharciga shaqo xulistu ee Hayada Shaqaalaha dawladu dhigayana waajib tahay in dib loo soo xayaysiiyo.”

Farxaan Aadan Haybe waxa uu intaasi raaciyay “Waxa soo dalbaday shaqooyinkan tartamayaal dhan 1577 tartame, waxa liiska gaaban (short list) ku soo baxay todobaatan iyo sideed tartame (78) oo sida sharciga Hayada shaqaaluhu dhigayo kaalintiiba 3 xubnood ku tartameen. Waxa hawshaas kala xulista iyo kala saarista loo dhaariyay 9 xubnood si ay si daacad ah oo allah ka cabsi leh ugu garsooraan ugana gudiyeeyaan ( Panel team ) min bilow ilaa dhamaad, xubnahaas oo ay soo xuleen wasaaradaha iyo Hayadaha shaqaalaha loo qaadayay iyo wasaarada maaliyada, wakiil mashruuca bangiga Aduunka iyo khabiir caalami ah. Wasaarada iyo hayadaha xubanaha panelka metelayeen waa sidan ; Wasaarada maaliyada, wasaarada Tamarta, wasaarada cadaalada, wasaarada shaqo gelinta, wasaarada gaashaandhiga, wasaarada qorshaynta, wakiil mashruuca Bangiga Aduunka, Hayada Shaqaalaha Dawlada, Machadka Shaqaalaha Dawlada iyo khabiirka caalamiga (International consultant) ahaa ee ka caawinayay hubiyayna habka farsamada loo qaadayo imtixaanka. Hayada Shaqaalaha dawladu waxay ku amaanaysaa xubnaha Guddida Panelka dadaalka iyo garsoorayaasha ay sameeyeen.”

Guddoomiyaha hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland waxa uu intaasi raaciyay “Dhinaca kale waxay soo dhowaynaysaa xubnaha guulaystay iyadoo dhowaana Tiro kale oo kaalmo shaqo loo soo baahin doono wasaaradaha Dawlada ee aan hore loogu qaadin shaqaale TMPs ah iyadoo marka hore lala qiimayn doono qaab dhismeedka wasaarad kasta iyo hayad kasta oo dawladeed. Isla jaangoynta qaabdhismeed kasta, kaalmaha shaqo ee ka dhasha ee banaan iyo kuwa la xaqiijiyo in wasaarad kastaa baahi u qabto ayaa loo dalbayaa loona xayaysiinayaa in aqoonyahanka muwaadiniinta ahi Ku tartamaan dhowaan insha allah.

Halkan ka eeg liiska xubnaha Ku guulaystay 20 ka kaalmood.”

 

 

Leave a Reply