Dekedda Berbera oo Iibsatey Doonta Maraakiibta ku soo xidha Dekeda

0
635

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa(Dawan) Xukuumadda Somaliland ayaa soo iibsatay doon ay raaci doonaan bayloodada Maraakiibta ku soo xidha dekeda Caalamiga ah ee Magaalada Berbera (Pilot boat).

Mareeyaha Dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi oo ku sugan wadanka Aerland ayaa waxa uu Sheegay in Dekeda Bebera ay u soo iibiyeen doon casriya oo ah naaca ay raacaan Bayladooda Maraakiibta ku soo xidha Dekeda Berbera.

Siciid Xasan Cabdilaahi oo ka hadlayay Doontan loo soo iibiyay Dekeda Berbera waxa uu yidhi “Waxa aan u Mahadcelinayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo runtii ku suntan horumar iyo waxqabad, gaar ahaan Hay’adda aan Masuulka ka ahay ee Dekadaha Somaliland, muddo aan labo Sannadood gaadhin waxa aanu keenay labo taag inti uu xilka hayay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi,”.

Siciid Xasan Cabdilaahi oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaasi ku daray oo uu yidhi “Maanta (shalay) waxa aanu ku Suganahay dalka Aerland waxaana aanu u soo iibinay Dekeda Berbera doon ay raaci doonaan bayladooda Dekeda Berbera, waxaan ugu bushaaraynaa oo aan hambalyo iyo bogaadina u dirayaa bayladooda dekedaha Somaliland in ay ka raysan doonaan laashkii ay raaci jireen, isla markaan ay ay helaan Dooni wanaagsan”.

.

Leave a Reply