“Mucaaradku Ha Qiraan Guulaha Ay Xukuumadu Ka Gaadhay Xagga Diblomaasiyadda” Caaqil Sawnweyne

0
457

Hargaysa (Dawan): Caaqil Cabdiqaadir Maxamed Saleebaan (Sanweyne), oo ka mida cuqaasha gobolka Maroodijeex ayaa ku baaqay in aan la siyaasadaynin wadahadaladda u dhexeeya Somaliland iyo maamulka Farmaajo.

Waxaanu caaqilku sheegay in axsaabta mucaaradka ah loo baahan yahay in ay qiraan waxyaabaha horumarka ah ee ay qabatay xukuumadda Somalilnad, isla markaana waxyaabaha wanaagsan ee la qabtay aan xumaan lagu sheegin.

Caaqil Cabdiqaadir Maxamed Saleebaan, oo shalay u warramay wargeyska DAWAN waxa kale oo uu xusay in xukuumadu ay mudan tahay in lagu bogaadiyo waxyaabaha horumarka ah ee ay ku tallaabsatay.

Waxaanu yidhi, “Waxaan ku baaqayaa in aan la siyaasadaynin wada hadalka ay xukuumadu gadh-wadeenka ka tahay, ee u dhexeeya xukuumadda Somaliland iyo dawladda Xamar. Waana in xukuumadda loo daba-fadhiisto, loona daayo wixii wadahadal ah”.

Caaqil C/qaadir, ayaa intaas raaciyay, “Waxaan doonayaa in aan iftiimiyo arrinta wadahadalka Koonfurta, mucaarad iyo muxaafadba waa laga midaysan yahay. Wax xukuumadda lagu dhaliilana ma aha. La iskauma dhaliili karo, fursadna lagama dhigan karo. Waa masiir ummadoo dhan u yaalla”.

Geesta kale caaqil C/qaadir, waxa uu sheegay in xukuumadda lagu bogaadiyo wixii guulo ah ee ay ka gaadho xagga diblomaasiyadda.

“Mucaaradku ha qiraan guulaha ay xukuumadu ka gaadhay xagga diblomaasiyadda. Waxaanay xukuumadu mudan tahay in lagu bogaadiyo wixii ay qabatay.

Markaa ayaa la odhan karaa, waa mucaarad. Waxa kasta oo wanaagsan oo la qabtay, ayaan xumaan lagu sheegin”ayuu yidhi caaqil C/qaadir Maxamed Saleebaan.

 

Leave a Reply