Sool: Wasiir Ku-Xigeenka Hore ee Cadaaladda Oo Soo Dhaweeyay Kulankii Madaxweynaha Somaliland iyo Farmaajo

0
492

Laascaanood (Dawan): Wasiirkii ku xugeenkii hore ee wasaarada cadaalada Somaliland Yuusuf Axmed Faarax, ahna siyaasi ka soo jeeda gobolka Sool, ayaa si weyn u soo dhaweynayo kulankii magaaladda Addis Ababa ku dhexmaray madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Farmaajo.

Yuusuf Axmed Faarax, oo xalay waraysi siiyay wargeyska Dawan isagoo ku sugan magaaladda Laascaanood waxa uu sheegay in tallaabadaasi ay ahayd mid geesinimo leh, isla markaana uu ku dhiiraday madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Waxaanu yidhi, “Waxaanu si aad ah u soo dhawaynaynaa aniga iyo inta ila aragtida ahba, is aragii ay labada madaxweyne ku yeesheen magaalada caasimada u ah Ethiopia ee Addis Ababa. Taasoo ahayd talaabo geesinimo leh oo uu ku dhiiraday madaxweynuhu guulna u ah shacabka dalka ee uu hogaanka u yahay.

Waxaan sidoo kale aan halkan ka soo jeedinayaa bogaadin ku aadan waajibaadkiisa wasiirka arrimaha debeda Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir, oo runtii si hawlkarnimo ku jirto uga soo shaqeeyey qabsoomida tallaabadan, isaga oo aan leeyahay mudadii uu hayey xilkaa waxa uu muujiyey waxqabad uu ku mudan yahay in looga mahadceliyo”.

Dhinaca kale siyaasi Yuusuf Axmed Faarax, waxa uu ka hadlay arrinta tartanka doorashooyinka iyo doorka gobolka Sool oo gebi ahaanba ka maqan.

Waxaanu yidhi, “Gobolka Sool iyo shacabkiisu kuma laha tartanka doorashooyinka xubin metesha, waana gobol ballaadhan oo aanay marna doorashooyinku si dhamaystiran uga qabsoomin heer gobol ahaan, mid degmo ahaan, iyo mid daabiyadeedba.

Tan iyo muddooyinkii doorashooyinka xorta iyo xalaasha ahi ka hana qaadeen Jamhuuriyada Somaliland, waana mid arrintaasu qayb ka ah ka maqnaanshaha xubintii Guddida doorashooyinka taas oo aanu gobolkani marna ku yeelan xubin buuxda”.

“Waxaana soo jeedinayaa in dib u eegis iyo ka fiirsi loo yeesho arrintaa, waayo marnaba kama muuqato shacabkan kalsooni ay u hayaan gudiga doorashooyinka, mana helaan farriin gudbiye heer Koomiishan ah oo kasba kalsoonidooda.

Sidaa awgeed waxaan ku talo bixinayaa in arrintaas in hoos loo eego oo lagu daadego” ayuu yidhi Yuusuf Axmed Faarax, wasiir ku xigeenkii hore ee wasaarada cadaalada ahna siyaasi ka soo jeeda gobolkaa Sool.

 

Leave a Reply