“Warka Xamar iyo Wadhida Farmaajo Waa u Markhaati gal Somaliland!”

0
580

Faallo SCC. Kalshaale

Ma dag-maa mise waa dareen daacad ah? ma did-maa mise waa dagaal hor leh? ma dan-baa mise waa diggasho cusub? ma dulmi-baa mise waa dabeyl cadaaladdeed? ma durbaan siyaasaddeed-baa mise waa dardaaran waayeel? ma waxa la joogaa wakhtigii Somaliland dunidu ka jawaabi lahayd xaqa kaga maqan? mise waxa la gaadhay wakhtigii muqdisho garowsan lahayd in ay daw tahay dib-ula-noqoshada dawladnimadii ay lixdankii Hargeysa ula tagtay??.

Su’aallahan darandooriga ahi, waa dareen ka dhashay hadal ay dabuubtiisu dood badan abuurtay labadii maalmood ee la soo dhaafay, kaasoo ka yeedhay Madaxweynaha maamulka Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo khamiistii ina dhaaftay khudbad ka jeedinayey munaasibad lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Farmaajo, ayaa khudbadiisa ku sheegay in ay daw tahay in raalin-gelin laga bixiyo xad-gudubyadii dawladdii Siyaad Barre u geysatay Dadka reer Somaliland, isagoo soo hadal qaaday xasuuqii ka dhacay Hargeysa iyo qaybo kale oo kamida Gobolada Somaliland, waxaanu masuuliyada dhibaatooyinkaasi dusha u saaray Dawladdii markaa xukunka haysay.

Mr. Farmaajo, waxa kale oo daboolka ka rogay in uu raali-gelin ka bixinayo waxa uu ku sifeeyey dhibaatooyinkii dadka lagu gumaaday ee dawladdii milaterigu samaysay, waxaanu geesta kale fagaarahaasi ka markhaati furay in israacii Muqdisho iyo Hargeysa uu ka yimi Dadka reer Somaliland, laakiinse loogu abaal-guday cadaalad-darro iyo dulmi.

Inkasta oo qaybta dambe ee hadalkiisa isagoo dhoola-cadaynaya uu ku doodday in dhankoodana cudur-daar looga baahan yahay jabhadihii dagaalka hubaysan kala horyimi Dawladdii rayidka xasuuqday ee Siyaad Barre, wallow aanu cid gaar ah magac-dhabin, dad badanise u turjumeen in uu ula jeedo xooggagii SNM ee dib-u-xoraynta Somaliland dhaliyey, waxa uu Farmaajo qadiyada Somaliland uga markhaati furay saddex qodob oo muhiim ah.

Saddexdan qodob oo garowshiyaha uu ka bixiyey sababta ku keliftay falanqeyn iyo rog-rogis kale iyo wakhti u baahan tahay ayaa kala ah:-

1.Isku-darsigii labada dawladdood ee Somaliland iyo Soomaaliya oo ah waxa ay iyagu u yaqaanaan Midnimada in uu ka yimi dadka reer Somaliland oo markii ay xornimada qaateen iyagoon wax shuruuda ku xidhin, isla markaana aan gorgortan la gelin hogaamiyeyaashii Koonfurta is-raacaasi seeska u dhigay, waxaanu ku micneeyey hannaan waddaniyadi ku dheehan tahay. .

2.In Dadkii reer Somaliland ee bud-dhiga u ahaa Is-raaca loogu abaal-guday cadaalad-darro iyo in aan nidaamkii Dawladnimada xaqoodii laga siinin, taasoo iyadana uu ku sheegay nasiib-darro iyo wixii curdin-dhadhiyey rejjadii is-raaca.

  1. Waa Madaxweyne Farmaajo’e, Waxa kale oo uu iyadana markhaati furay xasuuqii foosha xumaa iyo jariimadii Dawladdii Soomaaliya kula kacday Shacbiga Somaliland, laga soo bilaabo wakhtigii Milaterigu talada qabsaday ilaa xilligii dhidibada loo siibay.

Hadalkan Farmaajo, waxa uu dad badan xasuusiyey, isla markaana 18 sannadood kaddib tahkiidiyey arragtidii uu bixiyey Alle ha naxariistee Jen. Maxamed Faarax Caydiid oo kamid ahaa saraakiishii Ciidamada Soomaaliya, markii dambena ka mid noqday hogaamiyeyaashii ka hor-yimi keligii-taliyihii Maxamed Siyaad Barre ee dagaalka xukunka lagaga riday hogaaminayey.

Gen. Caydiid oo 1992-kii wax laga waydiiyey gooni-isu-taaga Somaliland, ayaa sheegay in gobolada waqooyi xaq u leeyihiin wax kasta oo ay sameeyaan, maadaama lagu xumeeyey midnimadii iyo dawlad-wadaagii ay koonfur la yimaadeen iyagoo xor ah.

“Dad reer Somaliland himiladoodiibaa la burburiyey, maanta markaa ma taallo hadalku waa goosanayaan iyo ma goosanayaane, waxa hadalku yaallaa dadkaa sidii loo daweyn lahaa ee cadaalad loogu heli lahaa.

“waxaan aaminsanahay haddii ay cadaaladdasi helaan oo la tix-geliyo cadaaladda ay doonayaan oo loo guntado sidii wadahadal loola furi lahaa ee dood loola furi lahaa, waxaan qabaa in xal lala gaadhi lahaa. ma qabo in la daandaansado ama dagaal loola tago, waxaan qabaa in arrintaas si qabow oo sharaf leh loola dooddo, loolana sheekaysto”ayuu yidhi Alle ha u naxariistee Maxamed Faarax Caydiid.

Haddaba, marka miisaanka la saaro weedhaha ka soo yeedhay Farmaajo inkasta oo uu noqon karo mid ujeeddo badan ah, haddana waxa uu muuqata in uu ka soo dabcay sidii uu ahaa saddexdii sannadood ee talada hayey, isla markaana uu iminka iminka isku dirqiyayo in uu waji furan iyo waan-waan u muujiyo dadka reer Somaliland ee uu figta dheer ka soo eegayey iyadoo aan waxba gacanta ugu jirin.

Waxa kale oo xusid mudan, in uu jiro dareen si dhaba u ruxay Dawladdiisa oo dabada ka riixaya arrinta uu ka hadlay, kaasoo laga dhadhansanayo sida abaabulan ee isla saacadihii uu hadlay, ay idaacadaha Xamar iyo baraha bulshada uga jiibiyeen dadka ka soo jeeda dhalasho ahaan Somaliland ee maamulkiisa ku jiraa, kuwaasoo si hubsiimo la’aan iyo indho-adayga ugu sacabka tumay.

Geesta kale, waxa xaqiiqo ah in aanay dawladda Jamhuuriyada Somaliland iyo shacbigeeda ka gadmaynin, boogo-dhayna u noqonaynin hadallo jees-jees iyo jeeggo-dhigad looga yidhaahdo Muqdisho iyo meelo kale oo kamida Soomaaliya, isla markaana qudh iyo hantiba wixii kaga maqan magaca Soomaaliya aan magdhow looga dhigi karin cudur-daar iyo raali-gelin qof bixiyo.

gebagebadii, weedhaha wadhida ah ee ka soo yeedhay Madaxweynaha Soomaaliya iyo qorshe kasta oo la fikir ahiba, maaha kuwo wadiiqada ka duwaya ama wiiqaya qaranimada ku dhisan rabitaanka Shacbiga ee ka jirta Somaliland, hase yeeshee waxa guul ah in uu markii ugu horaysay u markhaati furay qadiyada madaxbanaanida Somaliland ee 29 jirsatay.

Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)

Wariyeyaasha Wargeyska Dawan

Email: curad1986@hotmail.com

 

Leave a Reply