Xukuumadda oo soo Gaba-gabeysay Tartankii Geella

0
614

“Anigu kumaan iman dawladnimo rasmiya ee waxaan ku imid aniga oo ka mida Geelleyda” Madaxweynaha Somaliland

 

 

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumeysiga ee Somaliland mudane Siciid Sulub Maxamed, ayaa si rasmiya u soo gaba-gabeeyay, tartan loo qabtay Geella ugu caanaha badan ee xoolaha lagu xannaaneeyo duleedka magaalada Hargeysa iyo gobolka Maroodijeex.

Waxaana tartankaasi leysugu keenay 128-halaad, halka ay isugu soo hadheen soddon halaad oo loo aqoonsaday inay yihiin kuwa ugu caanaha badan, hase ahaatee ugu danbeyn waxaa isugu soo hadhay saddex halaad oo kaalinta koowaad galay, islamarkaana noqday Halaha ugu caanaha badan kuwa lagu xannaaneeyo duleedka magaalada Hargeysa.

Dhinaca kale waxaa halkaasi ka hadlay masuuliyiintii ka socday dalka Imaaradka Carabta oo qaar ka mid ah Geelleydii tartankani ku guuleystay guddoonsiiyey abaalmarino lacageed iyo jaa’isaddo.

Wasiirka wasaaradda xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumeysiga ee Somaliland mudane Siciid Sulub Maxamed oo soo xidhay tartaankaasi ayaa sheegay in sannadka danbe tartankani la gaadhsiin doono goboladda dalka oo dhan, waxaanu yidhi “Aad ayeynu ugu mahad naqeynaa walaalaheena Imaaratiga ah ee tartanka dedaalka galiyey, weliba dadka callanka hoos jooga ee iskuna dayay in caana boodhihii ka reystaan, in caanihii la keeno magaalada dusheedii dadkuna waxaad mooda in ay imika ku soo gurmayaan markii abaartii ka badatay magaalada.

Ujeedadeenu waxa ay tahay in aynu waxna beerano xoolaheenana fadhiisino, sidii aynu wax ula soo bixilaheyna waxaa ay ku xidhan tahay amnigeena, iyo muqaalafadeena, halkan imika tartan ayaa ka dhacay bulshadda Somaliland bari iyo galbeedba ha aragto, in sannadka danbe Burco lagu qabta ayaa laga yaabaa, oo Sool gaadho, oo Sanaag gaadho, marka danbena in aynu gobolo u tartano ayaa suuragala”

Ibraahim Baqaye oo ka mid ah Geel-jirtii Halahooda keenay madashii tartanka oo warbaahinta la hadlay ayaa yidhi “Geellu markii hore keymaha uun buu daaqi jiray lama tartansiin jirin, imika maanta hadana tartanbaabu galay hadii ILLAAHEY yidhaaho bisha sagaaladna mid ka sii badiya ayaanu keenaynaa, anigu laba iyo toban ayaan keenay oo sagaal ayaa soo booday, meel wanaagsan ayuu marayaa, xeryahan muu aqoonin hadda waa kaa daaqa qudhqudhinayaa waanu ku faraxsanahay oo waanaga caanihiiisa wada dhammayna”

Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi oo tagey goobta lagu shirabayey Geella ayaa sheegay in aanu kaga qayb galeyn magaca xukuumadda, dawladda ama madaxweynenimo, balse uu goobtani booqday isaga oo ah xubin ka mida bulshadda Geella dhaqata waxaanu yidhi “Anigu kumaan imaan dawladnimo rasmiya waxaan ku imid anoo ka mida Geelleyda anigu waxaan u imid geeleyda tartankana kamaan qayb gelin ee waan soo diyaar garoobayaa, waan ka yar baqday markii aan arkay nimanka Geellasha badan iyo Geella aan badneyn ee aan wato, markaa annigu Halo yar ayaan waa-waabiyaa laakiin waxaan u mid anoo ka mida urrurka Geelleyda.”

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa u mahad naqay dawladda Imaaraadka Carabta, waxaanu yidhi “Aad iyo aad waxaan ugu mahad naqaya dawladda Imaaradka Carabta inaga oo xidhiidho badan leh, anigu waan la yaabay markii ay yidhaaheen Geel ayaanu tartansiineynaa, iyadda oo la shirabayo oo la kala iibsanayo uun baan arki jiray, hase ahaate in la qiyaaso oo farsamadan la mariyo oo habka Hashu caanaha u yareysay ma caafimaadkeeda, ma cunnadda ay cuntayba, ma dabeecad kale ayaa heysaa, hadii Geellu caano yareeyo Awr ayaa loo doonaya, dhaqankiisa ayaa la badelayaa, markaa inaga Hashi dhaqmaadka aheyd maanta waxaa ay mareysa saddex iyo badh”

 

Leave a Reply