Aadan Barre Oo Macalimiinta Kenya Ugu Baaqay Inay Dusha Saartaan Mas’uuliyadda Waxbarashada Ardayda Soomaalida Kenya.

0
673

Kenya: Hogaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale oo la hadlayay Macalimiin howlgab ah oo gaadhayay 180 ayaa  ka dalbaday in ay dusha saartaan mas’uuliyadda Waxbarashada Ardayda Soomaalida Kenya.

Aadan Barre waxa uu tilmaamay in barayaashaan ay buuxinayaan boosaskii ay ka kala tageen Macalimiinta kenyanka ah ee cabsida uga carartay Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya, kadib markii ay naftooda kala baxeen weerarada Al-Shabaab.

Hogaamiyaha Aqlabiyadda Kenya ayaa kulanka uu la qaatay Macalimiinta ka dhex sheegay in hab dhaqanka Hay’adda Macalimiinta Kenya ay u muuqato Takoor iyo Awood sheegasho. Sida uu hadalka u dhigay.

Barayaasha howlgalka ah ee looga fursan waayay dib ugu laabashada Dugsiyada Waxbarashada waxa uu u jeediyay in ay noqdaan xalka dhabta ah ee waxbarasho la’aanta dhulka Soomaalida, si aysan u dayacmin Mustaqbalka Jiilka waxbaranaya.

Aadan Barre waxa uu tilmaamay in Kenya ay ku howlan tahay sugidda amniga, iyada oo ay taasi jirtana waxa uu codsaday in dulqaad loo muujiyo, si looga gun-gaaro hadalka ay hiigsanayaan Bulshada Soomaalida ee Kenya.

180 Macalin oo Soomaali ah, ayaa si tabarucaad ah ugu biiray goobaha Waxbarashada Kenya, kadib markii Macalimiinta aan deegaanka u dhalay ay isaga baxeen, maadaama ay u dulqaadan waayeen falalka amniga liddiga ku ah ee halkaa ku kordhay.

Dawannews Hargeysa Office

Leave a Reply