Xukuumadda Somaliland oo Beenisay in Madaxweyne Farmaajo Hargaysa Imanaayo

0
739

Hargeysa-(Dawan)-Xukuumadda Somaliland ayaa beenisay in Madaxweynaha Soomaaliya uu imaanayo Magaalada Hargeysa . Kadib markii warar ay baahiyeen qaar ka mida warbaahinta dalka Soomaaliya ay ku sheegeen in Madaxweynaha Soomaaliya oo booqanaayo Magaalada Hargeysa isaga oo uu weheliyo ra’iisal wasaaraha dalka Ethiopia

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland Liibaan Yuusuf ayaa warkaasi ku tilmaamay mid aanay waxba ka jirin oo la buun-buuniyay. Sida ku qoray bogga ku leeyahay bartiisa twetter-ka

“Inuu Farmaajo imanaayo Hargeysa runtii waa riyo Iyo hawlgal aan suurta gal aan aheyn, xukuumada Somaliland waxey u taagan tahey Iney Difaacdo Madaxbanaanideeda Iyo jiritaanka xuduudaheeda wax kasta oo ay ku kaceyso, waxaan u mahad celinayaa shacabka reer Somaliland ee waddaniyada iyo qiimaha badan” ayuu yidhi

Dhinaca kale Xog-hayah golaha Wasiirada Somaliland Jamaal Maxamed , ayaa isna beeniyey in golaha wasiiradu ay kulan ka yeesheen imaansha Madaxweynaha Soomaaliya Kadib markii warar ay baahiyeen qaar ka mida warbaahinta Maxliga ah oo ay ku sheegeen in golaha ogolaadeen In Madaxweyne Farmaajo Hargeysa kasoo dego.

“Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland wax shir ah oo ku saabsan imaatinka Farmaajo ee Hargaysa ma aysan yeelan. Warka baraha Bulshada lagu qoray ee sheegaya in Goluhu shiray waa war aan sal iyo baartoonna lahayn oo aan waxba ka jirin” ayuu yidhi .

 

Leave a Reply