Xilliga loo Fadhiisanayo Imtixaanka Shaqo Qaran oo lagu Shaaciyay

0
599

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa (Dawan):- Agaasimaha xafiiska Barnaamijka Shaqo Qaran ee Somaliland Maxamed Xuseen Mu’adinka ayaa Sheegay in 24-ka bishan aynu ku jirno la qaadi doono Imtixaanaadka dufcadii labaad ee Barnaamijka Shaqo Qaran.

Maxamed Xuseen Mu’adinka oo shalay Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in gobolada dalka looga fadhiisan doono Imtixaanaadka Barnaamijka Shaqo Qaran, waxaanu usoo jeediyay ardaydii codsiyada usoo qortay Barnaamijka Shaqo Qaran in ay u diyaar u garoobaan Imtixaanaadka Barnaamijhka Shaqo Qaran.

Maxamed Xuseen Mu’adinka oo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaanu si rasmiya Maanta Shalay ugu dhawaaqaynaa maalinta la qaadayo dufcadii labaad ee Barnaamijka shaqo Qaran waxaanan u sheegayaa tartamayaashii usoo qortay codsiyada in ay ka qayb galaan Dufcada labaad ee Shaqo Qaran in Imtixaankii la qaadi doono 24 bisha Febuary ee aynu ku jirno, waxaana Imtixaanku ka dhici doonaa dhammaan dalka oo dhan.waxaana lagu gali doonaa Gobolada Awdal Baarama Gobolka Gabilay Maeroodijeex Hargaysa Saaxil Bebera,Togdheer Burco Sool Laascaanood Sanaag Ceerigaabo iyo Gobolka Badhan waxa ay ku gali doonaan Imtixaanka Magaalada Ceerigaabo,waxaana Imtixaankaa qaadi doona Xafiiska Imtixaanka Qaranka oo looga bartay Caddaalad iyo midmadow la,aan waxaanan ku adkaynaa dhallinyarada tartamaysaa in ay soo qaataan Aqoonsiga Muwaadinka.”.

Guddoomiye ku xigeenka Gudida Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Xasan Qalinle ayaa sheegay inay ku jiraan isku dubba ridka Imtixaanaadka shaqo Qaran.waxaanu yidhi.“Waxaanu ku jirnaa isku dubbo ridkii iyo u diyaar garwgii Imtixaanaadka Shaqo Qaran Toddobaadkan wuu naga dhamaanayaa gaadiidkii loogu talo galay in ay u kala baxaan gobolada,waxaanan ku soo dhawaynayaa ardaydaa tartamaysa Imtixaan bilaa turxaan ah oon madmadaw la hayn”.

 

 

 

Leave a Reply