“Farmaajo waa Khaayin Magaca Somaliland iyo Xasuuqii Dhacay-na ma soo Qaadin”

0
487

Hargeysa (Dawan): Xildhibaan Naasir Cali Shirre, ayaa sheegay in aanu madaxweynaha Somaliland marna ka filayn inuu dalka ku soo dhaweeyo hoggaamiyaha dalka Soomaaliya oo dagaal dhaqaal kula jira Jamhuuriyadda Somaliland.

Xildhibaanku waxa uu carrabka ku adkeeyay in aanu madaxweyne Muuse Biixi ka filaynin in uu aqbalo in Farmaajo uu yimaado Somaliland, maadaama oo uu yahay masuul muddo dheer u soo hal-gamayay dalkiisa iyo dadkiisaba.

Xildhibaan Naasir, oo shalay warbaahinta kula hadlay xarunta baarlamaanka ee Hargaysa, waxa uu yidhi, “Warkan la leeyahay waxaa Somaliland imanaya ra’iisal wasaaraha Itoobiya iyo Farmaajo, waa war laga naxo.

Anigu Muuse Biixi, oo madaxweynaha dalka ah, oo soo hal-gamay, inagoo soddon sanadood nabad ku soo caano-maalnay, dalkeena-na horumarsannay, adduunkiina maanta inoo soo jeedo, u malayn maayo in madaxweynaha Somaliland uu maanta arrinkaa aqbalayo”.

“Waxaan ummada reer Somaliland u sheegayaa “Farmaajo waa Khaayin, Magaca Somaliland iyo Xasuuqii Dhacay-na ma soo Qaadin.”

Geesta kale xildhibaan Naasir, waxa uu sheegay in Farmaajo xiligii uu jaamacadda ka qalin jebinayay in buugiisii jaamacadda uu ku qoray saddex beelood oo Soomaali ah, kuwaasi oo uu ku sheegay in ay yihiin cunsuriyiin xiligii gumaysigana ay Ingiriiska la heshiiyeen, isla markaana loo baahan yahay in lala dagaalamo, dawladii Siyaad Barre-na beelihii riday ay ka mid yihiin.

Waxaanu tilmaamay in hadalkii raali gelinta ahaa ee Farmaajo aanu ku cadaynin in wixii dadka Somaliland loo gaystay uu ahaa xasuuq, isla markaana dadkii gaystay maxkamad la soo taagayo.

Balse uu si fudud oo dheel-dheel ah ugu tiraabay in la is-cafiyo, hadalkaasi oo ah mid aan u cuntamin shacabka Somaliland.

Waxaanu yidhi, “Wuxuu ku tilmaamay dadkii reer Somaliland ee ku dhintay dagaaladii dawladii kacaanka, oo qoys kastoo reer Somaliland ah qof kaga dhintay, in ay ku dhinteen Rasaastii SNM iyo dawladu isku ridayeen.

Halkaa wuxuu dafiray, wixii uu lahaa raali gelin baan ka bixinayaa, ayuu buugiisa ku dafiray, in uu xasuuq ka dhacay Somaliland. Wixii uu dorraad ku hadlayna wuxuu ahaa hadal ay ka muuqatay jees-jees, tiiq-tiiqsi ah”.

Waxaanu intaas raaciyay, “Magaca Somaliland muu soo qaadin, isla markaana kumuu macnaynin wixii meesha ka dhacay in ay xasuuq ahaayeen. Waxaa taa ka sii daran dadkii xasuuqa gaystay muu soo qaadan, in maxkamad la soo taagayo. Si fudud buu u yidhi, hala is cafiyo.”

 

Leave a Reply